Tababar ay soo qabanqaabiyeen guddiga shaqaalaha Rayidka oo loo qabanayey shaqaalo cusub ayaa ka furmay xarunta jamaacada ummadda Soomaliyeed.

Tababarka loo furay shaqaalaha cusub ee dhiiro gelinta(capacity injection machine) wasaaradaha ayaa lagu tababaraayey shaqaalo cusub oo ku guuleestay imtixaanaad iyo tartan ay kaga soo guuleesteen dhowr aqoonyahano Soomaliyeed kuwaaso soo dhameestay 3 bil tijaabada ah  ayaa maalintii sabtiga ahayd uga furmay Jaamacada ummadda Soomaaliyeed

Tababarkaan ayaa waxaa daahfuray Maxamed Jimcaale oo ah gudoomiyaha jamacada ummada soomaliyeed asigoo ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanaya waxaa sidoo kale qudbad kooban ka jeediyey madaxa mashruuca (Capacity injection) Cumar Cabdi asigoo yiri “ 6 maalin oo soo socota ayaan wada joogi  doonaa tababarkaana waxaa wada saxiixday dowlada federaalka Somaliya iyo World Bank si loo hormariyo shaqaalaha dowlada ujeedkuna waxaa waaye in shaqaalaha cusub lagu biiriyo xafiisyada dowlada iyo wasaaraddaha  si loo hormariyo iib gaynta, shaqaaleenta, dhaqaalaha iyo isla xisaabtanka , qorshaha iyo tababaro sare loogu qaadayo shaqaalaha waxaana idin rajaynayaa inaa kasoo baxdaan shaqooyinka niila igmaday”

Sidoo kale waxaa hadalo qiimo leh kasoo jeediyey agaasimayaal kakala socday wasaaraddo dhowr ah ay kamid yahiin Agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha guud Cabdirisaaq iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamud Maxamed iyo agaasimaha waaxda tababarada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ismaaciil Macalin Cabdulahi  waxaa sidoo kale hadalo mug wayn ka jeediyey kuxigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed prof. Maliki

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa lagu wadaa inuu soo gabo gaboowo maalinta khamiista ah oo ku began 04/08/2016 kadibna ay toos ugu soo biiri doonaan xafiisyada ay ka howl gali doonaan iyo Wasaaraddaha.

CIM training 1 CIM training 10 CIM training 9 CIM training 7 CIM training 6 CIM training 5 CIM training 4 CIM training 3 CIM training 2