Shir Wadatashi Saddex geesood ah oo dib-u-eegis loogu sameeyay Sharciga Shaqada Soomaaliyeed

Shirkani saddex geesoodka ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, Loo shaqeeyaha iyo Shaqeeyaha ayaa waxuu salka ku haayay dadaallo badan oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ugu jirtay soo nooleynta sharciyadii Shaqada, Shaqaalaha iyo sidoo kale kuwa Arrimaha Bulshada quseeya.

Waxaa si rasmi ah shirka u daah-furay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Shqada iyo Arrimaha Bulshada Xasan Shariif Cusmaan kaasoo qiray baahida jirta ee ku aaddan helista Sharciga Shaqada oo dhammeystiran, iyadoo loo fiirinaayo xaaladda Soomaaliya ay ku sugan tahay xilligan, wuxuu intaasi ku daray in la horumariyo mabaadi’da ku saleysan caddaaladda bulshada iyo heerarka shaqada caalamigha ah.

Saad Gilani oo ah Madaxa Xafiiska ILO ee Soomaaliya ayaa intaasi kaddib waxuu si diirran u soo dhoweeyay ka soo qeyb galayaasha shirka, waxuuna caddeeyay caawinaadda ay ugu heellan yihiin shaqooyinka quseeya Hey’addooda, asagoona u mahadceliyay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee qabanqaabisay Shirkii labaad ee saddex geesood ah oo midkiisi koowaadna uu ahaa Siyaasadda Shaqo-siinta Soomaaliyeed.

Hey’adda ILO ee fududeyneysa Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ayaa si guud ugu soo bandhigtay kasoo qeyb galayaasha sharcigan waxa uu ka hadlaayo ama looga baahan yahay in laga helo si caalami ah ahaan.

Intaasi kaddib ka soo qeyb galayaasha ayaa waxey aad u soo dhoweeyeen sameynta sharcigan, waxeyna qaar kamid ah ee isugu jira hey’adaha Dowladda, Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, Ururka Ganacsatada iyo Xafiiska Garyaqaanka soo jeediyeen fikrado wax ku ool ah oo ay tahay in lagu biiriyo Sharciga.

Waxaa ugu dambeyn soo xiray shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtar, waxuuna xusay in waxii fikir ah ay soo gudbiyaan qolo walba muddo isbuuc ah gudahiis, dibna leysugu soo laaban doono mar kale si leysugu raaco habraaca lagu meel marin lahaa sharcigan.