Shir labo geesood ah oo ay yesheen quburo kasocotay Bangiga Aduunka iyo Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo lagu qabtay Muqdisho 

Kulanka uu ujeedkiisa ahaa in laga dhagesto quburada kasocotay Bangiga Aduunka mashaariicyo iyo siyaasado lagu hormarinaayo Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda. Quburada waxay sheegeen in  wasaaradda u sameynayaan siyaasada iyo istaraatijiyada heynta shaqaalaha  (Retention Policy ) taas oo  ay uga dan leeyihin in ay shaqaalaha  Wasaaradaha Soomaaliyeed ay  ku sugnaadaan goobtooda shaqo ayagoo heli doona dhamaan adeegyada  ay shaqaalaha ubaahan yihiin hadii ay ahan lahayd mushaaradka, tababarada iyo abaal marinada ay muteystaan shaqaalaha si joogto ah usoo xaadiro goobta shaqo.

Sido kale waxay shegeen qubarada kasocday Bangiga Aduunka  in ay waaxyaha wasaaradda dib u eegis ay ku sameyn doonan  ama shaqo qeexan ( job description) howlaha loo ekmaday iyo waax waliba qorsho howleedka u degsan (strategy plan) waxayna inta raaciyeen in ay waaxyaha wasaaradda ka oganayaan wax soo saarka ama awooda ay uleedahay jiritanka wasaaradda taas oo  ay talooyin ka siinayaan dhammaan waaxyaha ka jiro Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

meeting-wb-molsa-1

Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali ibraahim sheekh Mudey.  Waxaana  kasoo qeyb galay agasimaha waaxda Qorsheynta Salaad Xusen Cabdulle ,Agaasimaha Waaxda Tababarada Cismacil Macalin Cabdulle,Agaasimaha waaxda xiriirka guud iyo isgaarsinta Cabdirashiid Cabdulahi Xaydar, , Agaasimaha guud ee gudiga shaqalaha rayidka NCSC  Shaacir Guleed Xareed, Madaxa HR-ka Cabdirisakh Maxamed Maxamud, dhanka kale ee WB. waxaa kaso qeyb galay Cumar Maxamed Cabdi mamulaha mashruca tayaynta Shaqalaha(CIM) Philip MwangI world bank iyo DR. Esther Waiganjo world bank,

 Waxuuna ahaa kulan dood furan oo u dhexeeyay kasoo qeyb galayaasha madasha agaasimaha waaxda qorsheynta mudane Salaad Xuseen Cabdulle ayaa wuxu yiri “Wasaaradda shaqada uma qorna siyaasadda haynta shaqalaha (Retention Policy)  taasna waxan kala mid nahay wasaaradaha dowlada, sidaa awgeed weynu  soo dhawayneynaa hadii aad noo sameyneysan siyaasad sax oo lagu hayn karo shaqalaha wasaradda balse in siyaasadan ay hirgasho waxa ugu horeeyo in shaqalaha loo helo mushaar joogto ah maxa yelay shaqalaha meysan qadan musharadka mudo afar bil ah hadaba  (Retention Policy ) wuxu ku hir gali karaa in la buuxiyo xaquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha ah”.

Agasimaha tababarada mudane  Cismaciil Macalin Cabdullahi ayaa sheegay “waa in ay siyaasad waliba oo loo sameynayo shaqaalaha ay  ka horeyso  in loo tababaro shaqalaha siyaasadaasi waxa ay tahay, weynu soo dhaweyneynaa fikirka iyo mashariicda aad u wadaan Wasaaradda  hadii ay ahaan laheyd midan aad u socotaan oo ah heynta shaqalaha (Retention policy )”

DR. Esther Waiganjo oo u qaabilsan latalinta mashrucaan bangiga aduunka “ waxa ay ka mahad celisay soo dhawayntii ay u fidiyeen mas’uuliyiin Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxeyna sheegtay in ay mashaariic fara badan masuul uga tahay Bangiga Aduunka taas oo ay ka faa’ideysan doonan mustaqbalka dowlada Soomaaliyeed gaar ahaan shaqalaha wasaaradaha. Waxa ay intas raacisay in ay howlahan ku guda jirtay mudo dheer haatanna ay ka fulin doonto Soomaaliya waxan dalka joogi doonaa mudo hal sano ah si aan ugu guuleysto hirgalinta mashruuca haynta shaqalaha,waxana ku bilabi doona si tijaabo ah sadax wasaarad oo ay ka mid tahay wasaaradda shaqada iyo Arrimha Bulshada.

Philip Mwangi  oo kamid ah  lataliyeyaasha barnamijyada tayeynta ha’adaha dowlada ee ( Capacity injection) ayaa sheegay in ay “howlahani yihiin  kuwa baaxad weyn oo lagu hormarinayo dhamaan shaqalaha dowladda hadii ay ahaan lahayd dhanka wasaaradaha waxayna gacanta ku hayaan in ay la taliyaan shan wasaaradood oo ay u sameynayaan  siyaasada heynta shaqalaha, marka hore  waxaa ugu muhiimsan in loo helo goob ay ku shaqeyan shaqalaha sida xafiisyada  wasaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada oo aad u qalabeysan taas waxay kamid tahay qeybta ugu weyn ee shaqalaha ku so hiran karan goobta shaqada”.sido kale wuxuuna  tusaalooyin usoo qaatay wadamada dariska gaar ahaan dalka Kenya wuxuuna sheegay shaqalaha dowladda waxa uu xaq u leeyahay in uu helaa deegan uu ku noolaado, in uu caruurtiisa uu u  helaa waxbarasho iyo caafimaad  taasina waxey dhiiro gelineysaa in shaqalaha uu ilaaliyo xaquuqda lagu leeyahay  ee dhanka  shaqada.

Ugu danbeynti shirka waxa soo xiray wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Mudeey waxuuna yiri “ aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin warbixinada iyo talooyinka aad is dhaafsateen labadiina  geesood quburada kasocota Bangiga Aduunka iyo Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada “agaasimayaasha wasaaradda waxa ay u xil saaran yahiin  shaqo, idinka oo ah quburada WB hadii aad noqotaan dad ku guleysta howsha aad u timaadeyn dalka waan idin mahad celineynaa, hadii aad ku guul dareysataana waxaad kamid noqon doontaan kuwii hore inoogu yimid oo aan waxba inoo qaban”. Sidaana waxaa yiri Cabdiwali Ibraahim Sheekh Mudeey wasiirka Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Gaba gabadii Shirka ayaa lagu magacabay Agasimaha Qorsheynta mudane Salaad Xuseen Cabdulle in uu masuul uga noqda  Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada barnamijka tayeynta ha’adaha dowlada(Capacity injection)

meeting-wb-molsa-0  meeting-wb-molsa-2 meeting-wb-molsa-3 meeting-wb-molsa-4 meeting-wb-molsa-5 meeting-wb-molsa-6 meeting-wb-molsa-7 meeting-wb-molsa-8 meeting-wb-molsa-9 meeting-wb-molsa-10 meeting-wb-molsa-11