KULANKA WADATASHIGA MASHRUUCA BARNAAMIJKA SHAQO-SIINTA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

Kulankan oo ay marti-galinaysay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxuu ahaa mid looga hadlayay Mashruuca Barnaamijka Shaqo-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed kaasoo noqon doona mid micno aad u weyn ugu fadhiya Dhallinyarada soomaaliyeed maadaama ay dalka ka jirto shaqo la’aan aad u baahsan.

War-bixin kooban ee ku saabsaneyd faahfaahinta mashruucan ayaa waxay hordhac u aheyd barnaamijkan, taasoo uu soo jeediyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane salad, waxuu faahfaahiyay fadhiyadii midakan ka horreeyay ee laysugu yimiday loogana hadlayay mashruucan sida ay u dhaceen iyo kan fadhigan xiga ee qabsoomi doona 15ka Sebtember 2016, asagoo war-bixintiisii kaddibna talo usoo jeediyay kasoo qeyb galayaashii shirka, waxaana kamid ahaa hadalladiisa: “Waxaan soo jeedinaayaa inaan yareyno badalka faraha badan aan ku sameyno xubnaha aan howlahanoo kale u magacaabanno, maxaa yeelay waxey noqotay mid ay nooga faa’ideystaan deeq bixiyayaasha oo midkiiba cusubee yimaada qorshe cusub soo hor dhigaaya, laguna wareeray arrintaas, marka waa inaan ka feejignaanaa si aan howlaheenna uga dhigno kuwa dhammeystirma”.

JPYE meeting 0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwali Ibraahim Muudeey ee ahaa Shir-gudoomiyaha kulankan ayaa intaasi kaddib furay shirkii kuna soo dhoweeyay Wasiirrada dhiggiisa ahaa ee kasoo qeyb galay kulanka, waxaana kamid ahaa Wasiirradii kasoo galay kulanka Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Maxamed Cumar Ceymooy, Wasiirka Beeraha Axmed Xasan Gaboobe (Ugaas Bile) iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Wasiir Muudeey ayaa waxuu ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsaneyd kasoo qeyb galidda shirarka Wasiirrada ee noocanoo kale ah kuwaasoo waxtar u leh bulshada taasoo had iyo jeer ay dabacsan tahay soo xaadiridooda, waxeyna keentaa inay dib u dhacaan howlaha laga wada hadlo ee qabsoomi lahaa.  Wuxuu kaloo xusay in deeq bixiyayaasha goor waliba ay sheegaan tiro lacago ah inay ku bixiyaan mashruucyada dowladda taasina ay aheyn wax cad ee annaga nasoo gaara.  Wasiirka ayaa waxuu kusoo koobay hadalkiisa inuu hadafkiisu yahay in mashruuc walibee jira ee laga helo in la shaqaaleeyo tiro dhallinyaro ah waxuuna u sheegaay Wasaaradaha inay la xisaabtamaan Hay’adaha si ay u cadaadaan waxa ku baxa mashruucyada iyo waxa qabsooma.

Intaasi kaddib ayaa Wasiirradii ay ka huleelayn madashi shirka waxaana isku soo haray howl-wadeennada mashruucan iyadoo Wasaarad waliba ay soo bandhigtay mashruucyada Shaqo-abuur ay haysay, ayagoo dhammaan tilmaamay hay’adaha kala shaqeeya mashruucyadooda inaysan sidii la rabay wax u bixinin, mashruucyada qaarna si khaldanba loo adeegsaday.

Wakiilkii ka socday Wasaaradda Beeraha oo kamid ah Wasaaradaha wax-soosaarka ee dal waliba ayaa waxuu soo bandhigay mashaariicda shaqo-abuurka ah ay hayso Wasaaraddiisa, waxuuna yiri: “Waxaan wadnaa 3 mashruuc ee Shaqo-abuur ah aan ugu faa’ideynayno Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana kamid ah:

  1. Mashruuca Iskaashatooyinka oo laba sano shaqeynayay waxaana ka shaqeynayay 500 oo beeraleey ah, maalintiina ka helaayay $5 qofkiiba, waana fursad weyn ay ka faa’ideen Dhallinyarada beeraleyda ah. Mashruucan waxaa maalgaliyay hay’adda FAO, waxuuna ka shaqeeyay mashruucan degmooyinka kala ah Afgooye iyo Aw-Dheegle.
  2. Sidoo kale waxaa jira Mashruuc Abuur ah oo mar dhoweyd bilowday waana Abuur tayaysan, muddadiisuna waa 3 sano, waxaa la marin doonaa tijaabo kaddib ayaana loo qeybin doonaa beeraleyda si loo soo saaro Abuur tayaysan”.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa soo bandhigtay mashaariic kala duwan oo ay sameeyeen waxeyna soo jeediyeen in Dhallinyarada loo sameeyo tababaro lagu xoojinaayo aqoontooda iyo xirfadooda iyo in dib u habeyn loo sameeyo dhammaan xarrumahii Isboortiga.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadahana waxey soo gudbiyeen in loo baahan yahay mashaariic dhowr ah ee lagu yareynaayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta, lagana shaqeysiiyo Warshadihi dalka si Dhallinyarada ay u helaan Shaqo-abuur.

Ugu dambeynti Wasaaradaha ayaa waxey isla garteen inay la xisaabtamaan hay’adaha si loo ogaado mashaariicda la wado inay yihiin kuwa u faa’ido ah shaqo-abuurka Dhallinyarada, waxaana maalinnimada berrito ah loo ballansan yahay in lasoo gunaanudo kulankan iyadoo la magacaabi doono guddi farsamo ee la doonaayo inuu dardargaliyo barnaamijkan Shaqo-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

JPYE meeting 2

JPYE meeting 6JPYE 0JPYE meeting 1JPYE meeting 5JPYE meeting 3JPYE meeting 4