Qoddobo Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga ee guddiga farsamada shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed

Qoddobo Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga ee guddiga farsamada shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii labada maalmood socday  ee wadatashiga  looga hadlayay hanaanka ugu haboon ee loo wajihi karo mashruuca barnaamijka shaqo siinta dhalinyaradda Soomaaliyeed ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho 8/8/2016. waxaana ka qeyb galay wakiilo ka socday 8da wasaaradood oo kala ah:  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,  Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sareiyo Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Liiska wakiilada  ka socday 8da wasaaradood iyo la taliyaasha barnaamijka (JPYE)

1 Salaad Xuseen Cabdulle Wasaaradda Shaqada iyo Arr. Bulshada
2 Cali Maxamed Sheekh Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & daaqa
3 Cabdi maxamud xasan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha,
4 Cabdirashid C/lahi Xuuriye Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha
5 Cabdulahi Maxamed Cali Wasaaradda Kaluumeysiga iyo qeyradka Badda
6 Xasan Maxamed Cusman Wasaaradda Beeraha,
7 Ibraahim Sayid Abe Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta,
8 Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare
9 Yuusuf Salaad warsame La taliye
10 Daahir Xasan Guutaale La taliye
11 Cabdi Adan Ibraahim La taliye

Shirka ayaa qodobada laga soo saaray waxaa ka mid ah in

  • In  ay yeelan doonaan hoggaaminta iyo maamulidda hoowlaha farsamo iyo fulinta tallaabooyinka hannaanka wadatashiga ee barnaamijka (JPYE).

Waxaa loo sameeyay  guddi ka kooban 8 xubnood iyo la taliyeyaal sida :

Isuduwaha                     (Coordinator)  Mudane  Salaad Xuseen Cabdulle

Xoghayaha                     (Secretary)      Mudane  Cali Maxamed  Sheekh

Talowadaagta                (Advisories)

  • In la sameeyo barnaamijyo iyo qorshe hawleedyo faahfaahsan, go’aaminta hawlaha loo baahan yahay, qeexidda kuwa mudnaanta leh si looga miro dhaliyo barnaamijka (JPYE).
  • In  ay xiriir wada shaqeeyn iyo xog is-weeydaarsi joogto ah la yeelanayaan  Wasiirada 8 wasaaradood iyo inta ay quseyso dowr muhiimka ah  ee hannaan socodka Barnaamijka shaqo siinta Dhalinyaradda (JPYE).
  • In ay suurto gelinayaan kulamada dhex maraya xubnaha ka tirsan Guddi Hawleedka JPYE si la isugu af garto mawduucyada iyo ajendaha. Waxayna kulmi doonaan Bil waliba lah mar.
  • In la Ilaaliyo waqtiga u dajisan wadatashiyada iyo u gudbinta xogaha la soo uruuriyay Guddi hawleedka (steering committee) oo ah Wasiirada  barnaamijka  (JPYE).
  • In la diyaariyo warbixinno usbuucle ah oo loo gudbiyo Guddi Hoowleedka iyo daneeyayaasha kale (Sida deeq bixiyayaasha) iyo warbixinnada kale ee loo baahdo sida shirarka jaraa’id,  Saxaafadda.

Gunaanad:

Waxaa lagu soo gunaanaday  shirka Tixdan uu tiriyey Abwaan Soomaaliyeed.

‘’Doorkeenii weeyee Dulmiga ma hor istaagnaa xaq maw Dagaalannaa Danta guud ma eegnaa Dabka shidaan ma daminaa ubadkeena Dayacan Daryeel ma u samaynaa.’’

JPYE meeting 1 JPYE meeting 2 JPYE meeting 3 JPYE meeting 4 JPYE meeting 5 JPYE meeting 6

JPYE 0