Dhammeystirka Shirka Aqoon Isweydaarsiga Sharciga Shaqada Soomaaliya oo maanta markiisii labaad ka dhacay xarunta Amisom VIP ee Muqdisho

Aqoon isweydaarsigan uu daahfuray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sawaqar Ibraahim Cabdalla ayaa waxuu ka hadlay ahmiyadda bulshada uu u leeyahay hirgelinta Sharciga Shaqada Soomaaliya, waxuuna u mahadceliyay Hey’adda ILO oo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka caawineysa meel marinta Sharcigan.  Wasiir ku xigeenka waxuu sidoo kale si kooban uga hadlay marxaladaha uu soo maray wadahadalka sharcigan lagu meel marinaayo iyadoo uu sheegay inuu yahay midkan hadda loo fadhiyo dhammeystirka wadahadalladaasi.

Waxaa madasha kulanka soo xaadiray Wasaaradaha Dowladda Federaalka ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Dastuurka, Haweenka, Wasaaradaha Shaqada ee Maamul Goboleedyada, Xafiiska Garyaqaanka Guud, Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa waxaa la siiyay fursadda ugu horreysay ee hadalka, Mr Ciise oo ahaa Wakiilka Rugta ayaa waxuu sheegay inuu Sharciga u baahan yahay hormarin in lagu sameeyo iyo wadahadalka in lasii wado aan lagu ekeyn meeshuu maraayo.

Sida qorshahaba uu ahaa waxaa ku xigay soo jeedinti qoraalka Sharciga Shaqada oo looga fadhiyay Hey’adda ILO, waxaana soo jeedinaayay Paplo Arellano, asagoo hormuud ka noqday Aqoon isweydaarsi dheer oo ay wadaageen dhammaan xubnaha ka qeyb galayaasha Shirka.

Ugu dambeyn waxaa lagu ballamay in barrito laga sii wado kulanka halka uu maraayo, maadaama horayba loo qorsheeyay in laba maalmood uu socdo kulanka.