Agaasime Aweys Sheekh Hadad iyo Wafdi balaaran  uu hogaaminaayo ayaa u ambabaxay dalka Kenya.

Wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Aweys Sheekh Hadad ayaa u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Agaasinka Shaqada Arrimaha Bulshada mudane Xadad ayaa warbaahinta u sheegay in uu socdaalkiisu ku wajahanyahay ka qeyb galka Workshop looga hadlayo tababarida iyo Xirfad shaqo u abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Aqoon isweydaarsigan (Workshop-ka) ayaa waxaa  soo qaban qaabiyay Hay’adda Educational Trust ( CFBT). Waxaana looga hadlayaa barnaamijka Tababarka iyo xirfadaha ee loo yaqaan (TVET) Technical Vocational and Educational Training).

 

Wafdi balaran uu hor kacayey Agaasimaha guud ayaa iskugu jiray Agaasimeyaal Wasaaradeed oo ka kala socday Wasaaradda  Hidaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Waxbarashada. Aqoon iswaydaarsigaan ayaa laba cisho ka socon doona dalka Kenya Magaalada Nairobi.

Hadad-go-kenya-1

Socdaalka Agaasimaha ayaa la sheegayaa inuu la xariiro sidii ay Mas’uuliyiinta Wasaaraddahaasi iyo (TVET) Technical Vocational  and Educational Training) isku  dhaafsan lahaayeen  doorka waxbarasho iyo  qaabka shaqo abuurista iyo  xirfadaha ay u baahan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo laheyd qaban qaabinta kulankan ayaa soo bandhigi doonta xarumihii hore ee lagu tababari jiray shaqaalaha soomaaliyeed dhinaca xirfada sida dhismaha GTZ ama xero jarmal iyo qaabkay u shaqayn jirta beri samaadkii haatana dib loogu soo celin lahaa howlihii tababarka  ay u qaban jirtay xirfadlayda Soomaaliyeed.