Agaasimaha Waaxda Tababarka iyo Xirfadaha ee TVET-ka Maxamed Xasan Maxamed (Xambe) oo daah furay Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS

27/7/2021 Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS oo socon doona muddo laba cisho ah, waxana ka qeyb galay xubno ka socda wasaaradaha ku howlan adeegaa Bulshada heer federal, heer Dawlad goboleed, iyo ururada shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

Shirka ayaa looga hadlay dhameystirka siyaasada  TVET-ka iyo hormarintiisa, taasi oo Wasaaradda Shaqada iyo Wasaaradda Waxbarashada ay ku howlanaayeen dejinta Siyaasadda Qaranka ee (TVET Policy).

Ugu horeyn waxaa ka hadlay shirka  Axmed Cismaan oo ah gudoomiyaha FESTU ayaa aad ugu mahadceliyay  Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Wasaarada waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare sida ay uga qeyb qaateen diyaarinta siyaasada qaran ee xirfadaha iyo farsamada isagoo kula dardaarmay dowlad gobaleedyada ka qeyb galaya. si ay ugu biiriyaan figradooda iyo talooyinkooda siyaasadan qaran ee TVET. ka.

“FESTU waxay soo dhaweyneysaa la shaqeynta rugta ganacsiga iyo cidkasta oo ku howlan waxbarida dhalinyarada Soomaaliyeed”.

“Labada wasaaradoodba waa inay mudnaan siiyaan tababarka xirfadaha, qofka barto xirfad wuxuu ka fiican yahay qof xafiis ka shaqeeya, ”ayuu yiri guddoomiyaha FESTU Axmed Cismaan.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada Mudane Cabdicasiis Nuur Maxamed ayaa u mahadceliyey dhammaan ka soo qaybgalayaasha Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS

“70% dadka Soomaaliyeed waa dhalinyaro waana muhiim in la xoojiyo tababarka xirfadaha, marka muhiim ayey u tahay labadan wasaaradood ee waxbarashada iyo shaqada inay gacan ka geystaan horumarinta TVET-ka Soomaaliya”.

“Mustaqbalka, waxaan rajeyneynaa inaan helno guddi  qaran oo la aqoonsan yahay oo u adeegta TVET”.

“Wasaaradda Waxbarshada, Hidaha iyo Tacliinta Sare waxay dajineysaa manhaj mideysan oo xirfadeed lagana aqoonsan yahay gudaha Dalka iyo caalamkaba.”

“Waxaa jira heshiis u dhexeeya labada wasaaradood oo loogu adeegayo horumarinta TVET-ka iyo in lagu dadaalo sidii TVET looga hirgelin lahaa Soomaaliya” sidaana waxaa yiri Cabdicasiis Nuur Maxamed Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada.

Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Tababarka iyo Xirfadaha TVET-ka ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Xasan Maxamed (Xambe) oo furay shirka ayaa sheegay in shirkan uu socon doono muddo labo maalmood ah, isla markaana diiradda la saari doonno ahmiyadda uu shirkan u leeyahay dalkeenna guud ahaan. loona baahan yahay talooyinka wax ku oolka ah ee TVET.

“Hawsha labada wasaaradood waxay salka ku haysaa wax ka qabashada horumarinta TVET-ka, waxayna ka bilaabmi doontaa hirgelinta siyaasada qaran ee aad gacan ka geysaneysaan,  geedi socodka guud ee qiimeynta iyo dhaqan galinta tababarka xirfadaha iyo farsamada  Gacanta ayaa ah in la gaarsiiyo guud ahaan Dalka”.

“Waxaa kale oo jirta in adduunku horumariyey TVET, halka ay IGAD  ka shaqeyneyso isdhaafsiga shaqaalaha muhaajiriinta ah ee Geeska Afrika”.

“Ganacsadaha Soomaaliyeed waa inuu helaa shaqaale qof Soomaali ah oo wata shahaado farsamada  Gacanta oo lagu kalsoonaan karo oo ay bixiyeen labada wasaaradood”.

“Shirkan marka uu dhamaado waxaan rajeynayaa in siyaasadan lagu guuleysto oo wixii  aad u aragtaan muhiim lagu daro, meesha laga saaro wixii aan dani ugu jirin TVET Somalia”. Ayuu yiri Agaasimaha Tababarka iyo Xirfadaha TVET ee Wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Xasan Maxamed (Xambe).

 

Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee xirfadaha shaqada iyo farsamada gacanta ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS waxaa ka shaqaynayay khubaro aqoon u leh arimaha TVET iyagoo la tashanayay xubnaha  kala duwan ee ka soo qayb galay shirka.

WD. Ag. Cabdirashid A. Haydar

 

.