Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo u soo xiray Tababar 10 Agaasime Waaxed oo ka tirsan wasaaradaha dowladda.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa u soo xiray Tababar 10 Agaasime Waaxed oo ka howl gala wasaarado kala duwan sida Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Qorsheenta iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasime waaxedyadaasi ayaa muddo toban Beri ah wuxuu tababar uga socday magaalada Muqdisho Hotel Afrik, iyagoona qaadanayay aqoon korarsi ku aadan maareynta Mashaariicda ( project management)

Luul Cusmaan oo ku hadleysay magaca mas’uuliyiinta hey’adda (Iftiin foundation) ayaa u mahad celisay agaasimaha guud iyo agaasimayaasha ka soo qeyb galay xaflada xiritaanka tababarka ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay culayska ay hey’adda Iftiin saartay taaba galka tababarkaan.

Axmed jaamac cusmaan oo ku hadlayay ardayda ka faa’idaysatay tababarka ayaa sheegay in ay wax weyn oo cilmi ah ka faaidayn mudadii uu soconayay siminaarka wuxuuna yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay cilmigii kala duwanaa ee maamulka mashaariicda {project management} qeybahiisa kala gedisan aan ku barangay halkaan, waxaana rajeenayaa marka aan kula laabano wasaaradihii ka nimid in aan si wanaagsan u dabaqno cilmiga tababarkan ka faa’idaysanay” sidoo kale waxa uu u mahd ciliyay macalinka sida hagar la’aanta u fahan siinayay casharada iyo mas’uuliyiinta hey ada iftiin foundation.

Sidoo kale waxaa xaflada xeritaanka ka hadlay agaasimaha qorsheynta iyo mashaariicda mudane Salaad Xuseen Cabdulle wuxuuna aad ugu dheeraaday ka hadalka ah miyada balaaran uu maareynta mashaariicda u leeyahay hey’adaha dowladda “wuxuuna yiri wax waliba waa mashcuur 26ka wasaaradood ee dawladeena waxay ku mashquul sanyihiin mashriic kala duwan, waana muhiim in agaasimayaasha iyo shaqaalaha loo tababro maaraynta mashaariicda
{project management}.
Agaasimaha tababarka wasaaradda shaqadda bulshada mudane ismaaciil macalin cabdulaahi oo ay farxad ka muuqayo wajigiisa ayaa warbixin kooban ka bixiyay tababarka u socoday mudo 10 maalmood ah shaqaalihii kala duwanaa ay ka faaidaystay tababarka wuxuuna yiri “mudane agaasime guud waxaan sharaf inoo ah in aad nagala soo qeyb gasho xaflada xiritaanka tababarkan oo qiimo weyn ugu fadhiyo wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada oo kaashaneysa hey adaha iftiin foundation iyo IOM oo na dhexmaray iskaashi wada shaqayn oo lugu fulinaayo tababaro joogta ah in ay helaan shaqaalaha rayidka dowladda soomaaliyeed”.

Agaasimaha tababarada ayaa carabka ku ad keeyay in ay horay u tababareyn shaqaale kala duwan haatana ay u qorsheesan tahay in ay sii wadaan tababarista shaqaalaha.

Ugu dambeyntii Agaasimaha guud wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar ayaa usoo gabagabeeyay tababarkooda wuxuuna muujinayay howlihii uu ka soo qabtay taaba galka tababarida shaalaha dowladda in ay fuliyaan hey’adda (Iftiin foundation) iyo hey’ ado caalami ah sida (IOM iyo African Development Bank) wuxuuna yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay in uu miro dhalo dadaalkii aan u galay tababarka shaqaalaha kana soo qeyb galo xaflada xiritaanka tababarkan”.

Agaasimaha guud Mr. Cadde ayaa u mahad celiyay dhamaan inta gacanta ka geesatay mashruuca tababarka, wuxuuna kula dardaarmay mas’uuliyiinta ka faa’idaysatay tababarka in ay dib ula laabtaan wasaaraddaha ay ka tirsan yihiin. waxuuna Agaasimaha Guud  si farxad leh u gidoonsiiyay Shahaadooyin.

Daawo sawirada

pr Molsa training 4

  pr Molsa training 2 pr Molsa training 3  pr Molsa training 5 pr Molsa training 6 pr Molsa training 7 pr Molsa training 8 pr Molsa training 9 pr Molsa training 10 pr Molsa training 11 pr Molsa training 12 pr Molsa training 13 pr Molsa training 15 pr Molsa training 16