Shirka Shaqaale Weyanaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  oo lagaga hadlay Arimo dhowr  ayaa u Qabsoomay si habsamin ah

Shirka todobaadlaha ah ee ay isku xog waraystaan Masuuliyinta Wasaarada iyo shaqaalaha ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka  wasaaradda shaqada, waxaana ka soo qaybgalay  Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha waaxyaha  iyo  shaqaaleweynaha.

Ugu horeyn Agaasimaha waaxda  Xiriirka Guud iyo isgaarsiinta ahaana xiriiriyaha shirka  oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri: “todobaad waliba maalinta Axada weynu   wada shireynaa guud ahaan shaqaalaha  sida ay na fareen wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda, markaa waxaa laynooga baahan yahay qof waloo Wasaarada  ka shaqeeya  uu soo xaadiraa shirka”.

Xoghayaha joogatada Mudane Xasan Shariif Cusman,  Agaasimaha guud Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar, Agaasiamaha waaxda shaqaalaha iyo shaqo Abuurka Mudene Saciid   Aadan Mire, Agaasimaha Qorsheenta iyo mashaariicda Mudane Salaad Xuseen Cabdulle iyo Agaasimaha  tababarada mudane Ismaaciil macalin Cabdulahi  ayaa halkaa shaqaaleweynaha  wasaaradda shaqada  ugu soo jeediyey hadalo isugu jira Talooyin, Waano, Baraarujin, iyo Mahad naq.

Agaasimaha guud mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo shirkaasi soo gunaanaday, ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:- “waxaan ka marag kacayaa intii aan joogay wasaarada in shaqaalaha joogaa ay yihiin dad qiimo leh oo u qalma inay u adeegaan bulshadooda, dadku leh qiimo oo runtii masuuliyadooda garanaya anaguna aanu u hayno abaal wayn. Waxaynu isugu nimid waa is baraarujin ku xoojineyno tayayno shaqadeena anaga oo madaxdeyna  xushmeyneyno, Agaasimaha waaxda waa madax, madaxa qeybtana waa mas’uul waa inaynu ogaanaa kala sareynta iyo xushmada uu leeyahay qofka  mas’uulka ah ”

Ugu danbeyntii Xoghayaha joogatada Mudane Xasan Shariif Cusman,  oo hadal gaaban ka jeediyay shirka ayaa yiri: “shirka  todobaad laha  shaqaalaha Wasaaradda qorshe ayaan u samayneynaa  oo ah Agendaha looga hadlayo todobaad walba oo qoraal ah Afarta isbuuc waxii looga hadli lahaa guddi baan u saarnay oo kasoo talo bixiya”.

Xoghayaha joogatada oo hadalkisa sii wata ayaa yiri: “Shaqaalaha  wasaaradda  oo dhan runtii aad baan ugu mahadcelinayaa waxyaabaha aanu ku dedaali doono waxaa ka mida tababarada markii hore waxay ahayd in adeega kor loo qaado laakiin imika culays waxaynu saari doonaa tababarada dhexdeena ah”.

Shirka todobaadka shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  ayaa ku soo idlaaday jawi isfahan iyo wada shaqeyn dhab ah.

pr Molsa weekly meeting of Staffs 0 pr Molsa weekly meeting of Staffs 1pr Molsa weekly meeting of Staffs 12    pr Molsa weekly meeting of Staffs 5 pr Molsa weekly meeting of Staffs 6 pr Molsa weekly meeting of Staffs 7 pr Molsa weekly meeting of Staffs 8pr Molsa weekly meeting of Staffs 11pr Molsa weekly meeting of Staffs 4  pr Molsa weekly meeting of Staffs 10  pr Molsa weekly meeting of Staffs 13pr Molsa weekly meeting of Staffs 2pr Molsa weekly meeting of Staffs 3pr Molsa weekly meeting of Staffs 9