Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada oo ka qeyb  galay shir  ku saabsan Borotokoolka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka  Urur-gobaleedka (IGAD)

Oktoobar 19, 2019 (ENTEBBE, Uganda): Urur-gobaleedka (IGAD) ayaa soo gabagabeeyay  Wada-hadallada ku saabsan Borotokoolka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka. Wafdiga ka socday dalka  Soomaaliya waxaa hogaaminayay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Mr. Maxamed Cadde Mukhtar  oo uu wehliyay Lataliyaha Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada Mudane  Prof. Yuusuf  Salaad Warsame  waxeyna  ka qeyb qaateen hadalada  masuuliyiinta sare ee dalalka IGAD.

 

Shirka oo soconayay sedex maalmood ayaa  doodo ballaaran laga yeeshay faa’iidooyinka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka gobolka IGAD, wufuudduna  waxey la yimaadeen dukumenti la safeeyey oo ay aqbali karaan dhammaan dhinacyada soo xaadirtay Shirka.

 

“Inta lagu gudajiray sedexda maalmood ee wada-xaajoodka, waxaan si guul leh u soo gabagabeynay wada-xaajoodkeenii sidii loo qorsheeyay wareegii labaad oo hadda waxaan dib u xaqiijinay nidaamka Dhaqdhaqaaqa Xorta ah ee Dadka Gobolka IGAD”, ayuu yiri Maxamed Cadde  Mukhtar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Arrimaha Bulshada.

 

Shirka  ku saabsan Borotokoolka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka Urur-gobaleedka (IGAD) waxaa muhiim u ah in la helo istiraatiijiyad wacyigelin oo joogto ah, si ay dad badan oo dadkeena ah ugu qancaan dhaqdhaqaaqa xorta ah. Waxaana la  Shaaciyay  in wareegga xiga ee wadaxaajoodkan uu ka dhici doono bisha soo socota November 2019 Dalka Sudan ee Caasimadda  Khartoum.