Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta kormeer ku tagay dib u dhiska Wasaaraddii hore ee shaqaalaha, kormeerka wasiirka ayaa waxaa ku wehlinaayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Muxammad Cade Mukhtar, Agaasimo Waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey oo ka war bixinaayay kormeerkan ayaa Warbaahinta u sheegey waxyaabihi u qabsoomay intii ay ku guda jireen dayactirka Wasaaradda, xusayna inaysan wax gacan ah ka helin Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiweli Ibraahim sheekh muudey ayaa u mahadceliyay Guddiga Shaaqaalaha Rayidka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda kuwaasoo ka qeyb qaatay dhismaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay inay gacan ka geystaan Dowladda federaalka ee Soomaaliya, Mamuulka Gobolka Banadir iyo dhammaan Ganacsatada Soomaaliyeed dhismaha Wasaaradda.