Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa qabatay Xaflad ujeedkeedu ahaa sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa shirciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Diblomaasiyiin, mas’uuliyiin kasodcay UNDP, Aqoonyahanno iyo Agaasimayaal ka soday Wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo lafdhabar u ahaa qabsoomidda Xafladda xarriga looga jarayay sidii wax ka badal loogu sameyn lahaa Sharciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee L.11 ayaa ku soo dhaweeyay martida soo xaadirtay madasha Kulanka.
Agaasimaha guud oo faahfaanim gaaban ka bixiyay ujeeddada Xafladda ayaa sheegay “ in shirciga Shaqaalaha Rayidka L.11 uu soo baxay sanadka marka uu ahaa 2006, hadana ay muhiim tahay in wax ka baddalid lagu sameeyo sharcigan” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim oo ugu horreyntii ka hadlay Xafladda ayaa sheegay in ay Wasaaradda ka go’antahay inay fuliso qorshaha u degsan kaas oo uu ka mid yahay midka aan maanta u fadhinno furitaankiisa oo ah in wax ka baddal lagu sameeyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Dowladda.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri “ Xafladdan furitaanka ah waxay ku saabsan tahay dib u habeynta sharciga shaqaalaha L.11, waad og tihiin xaalada dalkeena ka taagan iyo shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku sugan yihiin, sidoo kale Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada waxay waqti badan gelisay sidii wax looga qaban lahaa sharciyada quseeya Shaqaalaha Soomaaliyeed”.
Wasiiradda Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan ayaa iyaduna sheegtay in ay soo dhaweeyneyso wax ka baddalka sharcigan ayna soo jeedineyso in ay ka muuqdaan doorka ay ku leeyihiin Haweenka shaqeeya iyo dadka Baahida gaarka ah qaba (Naafada). “ waxaan rabaa in aan ka hadlo labo qodob in laga helo sharcigan dib u habeynta lagu sameynayo taas oo ah xaalada Haweenka Shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka qaba, waxaanna si gaar ah ula hadlayaa guddiga loo xil saaray wax ka badalka sharcigan in ay diirada saaraan dhammaan xuquuqaadka Shaqaalaha rayidka dowladda” sidaana waxaa tiri Marwo Xaawa Maxamed Xasan Wasiiradda Caafimaadka Xukuummadda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muuddey oo furay shirka wax ka badalka sharciga Shaqaalaha rayidka dowladda ayaa tilmaamay in sharcigan ay ka soo shaqeyn doonaan aqoonyahanno iyo Quburo Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh sharciga Shaqaalaha Soomaaliyeed.
Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada ayaa yiri “ sharciga Shaqaalaha Lambar 11 in wax laga baddalo ayuu ku saabsan yahay waxa aan iskugu nimad xafladdan furitaanka wax ka baddalka Sharigan , waxaan rabaa in aad si fiican u ogaataan Aqoonyahannada iyo Quburada aan ugu talo galnay in ay sharcigan ka shaqeeyaan ay yihiin dad ka kala yimid hay’adaha dowladda qeybaheeda kala duwan oo la soo xulay, sababta waxay tahay in sifiican arrinkaasi looga baaraan dago maxaa yeelay waa mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda”. Sidaas waxaa yiri Wasiir Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey.
Kulanka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin faro badan oo ku biiriyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan wax ka baddalka Sharciga Shaqaalaha Rayidka, waxaana ka mid ahaa madaxa hay’adda UNDP, mas’uul ka socday Safaaradda Ingariiska Uk ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi farxadeed, waana markii ugu horreysay ee Muqdisho lagu qabto xaflad tan la mid ah oo looga hadlayo wax ka baddalka Sharciga L.11 ee Shaqaalaha Rayidka dowladda Soomaaliyeed.