Wafdi balaaran uu hogaaminayo Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumada Federaalaka Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ka dib safar shaqo labo maalmood ah ay ku joogi doonaan Garowe.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo ciyaaraha puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulaahi iyo Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hogaaminayay kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dib kormeer ku soo maray Garoonka Diyaaradaha cusub ee loo dhisaayo Caasimada Garowe, waxuuna warfidiyeenka uu uga waramay ujeedada ay u yimaadeen puntland.
Wuxuu sheegay Wasiir Saalax Axmed jaamac inuu aad ugu farax sanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay “aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga iyo Wasiirada kala duwan ee shaqada iyo shaqaalaha Dawlad Goboleeyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo igu wehliya safarkan waxaa raali ka nahay sida aad inoogu soo dhaweyseen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland”
Dhinaca kale Wasiir Saalax ayaa sheegay in berito uu Garowe ka furmi doono (Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee L11) oo ay soo diyaarisay wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.