Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka furay Shirka dib u Eegista iyo wadatashiga Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee L11. ee XFS.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo Garowe ka furay Shirka dib u Eegista iyo  wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11. ee XFS.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey ayaa  si rasmi ah uga furay  magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay  wasaarada shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda Federaalka Maxamed Cadde Mukhtaar oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in sharciga uu yahay mid la doonayo in wixii talo ah laga siiyo dhamaan dhinacyada uu quseeyo, isla markaana marka talooyin iyo dib u eegis lagu sameeyo loo horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Golaha shacabka.

Waxaa uu sheegay in dib u eegista sharciga Shaqaalaha Rayidka uu soo bilowday sanadkii 2015, isla markaana uu jiray Guddi uu sameeyay Wasiirkii hore, si dib u habeyn loogu sameeyo sharcigan.

Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay farxad u tahay in xeerarkii iyo shuruucdii arrimaha shaqaalaha lagu dhaqi lahaa maanta la gaarsiiyo heerar kala duwan, isla markaana laga talo geliyo dhamaan inta ay quseyso.

“Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada waxna wey wadaagtaa waxna wey kala leeyihiin, waxaa kala leenahay qolo walba dowladda kala shaqeyso, si ay u taabbo gasho, wixii la wada leeyahay si fiican loogu gacan bogsado, talada la wadaago”ayuu yiri Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

Wasiir Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalka Saalax Axmed Jaamac oo munaasabad ka jeediyay khudbad dheer oo uu uga hadlayay heerarka uu soo maray sharcigan ayaa sheegay in ahmiyada ay halkan isugu yimaadeen uu yahay sidii dib u eegis iyo dib u qaabeyn loogu sameyn lahaa sharciga shaqaalaha Rayidka.

“Sharcigan muddo dheer ayuu soo jiray, illaa 50meeyadii xilligii gumeystihii sharciyo aas aas ayuu sameeyay, dowladdii Rayidka aheyd waxay sameysteen sharciyad, illaa dowladdii Kacaanka, 1980 ayaa mar kale dib loo eegay”ayuu yiri Wasiir Saalax.

Wasiirka ayaa sheegay in kaddib burburkii dowladdii dhexe, sanadkii 2006-dii la bilaabay hanaanka shaqaalaha rayidka, isla markaan muddo haatan laga joogo 11 sano ay howl wadeenada soo maray Wasaaradda ay ku dadaaleen sidii ninba meel uu soo gaarsiin lahaa.

Waxaa uu ku ammaanay Wasiirkii hore ee Shaqada Wasiir Muudey inuu bilaabay sharcigan, isla markaana dhameystirkiisa uu isaga hor-taala, waxaa uu xusay in guusha laga gaaro sharciga uu qeyb ka noqon doono Wasiirkii hore, maadaama sanadkii 2015 uu soo bilaabay.

“Waxaan oran karnaa, sharciga waa sharciyada ugu muhiimsan ee dalka uu leeyahay, waxaa ku rajo weynahay inuu wax ka bedelo waajibaadka la farayo qofka dowladda u shaqeeya iyo xuquuqda uu leeyahay, waxay ka turjumeysaa hanaanka dowladnimo ee aynu qaadan oo ah nidaamka federaalka”ayuu yiri Wasiirka.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey oo ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda Federaalkan inay soo qaban qaabisay shir muhiim u ah Qaranimada Soomaaliya.

“Waa Shir muhiim u ah Qaranimada Soomaaliya, waa shir daba socda xeerarkii horay u soo socday, mar kasta oo wax la sameynayo waxaa lagu jaangooyaa wixii markaas taagan,

“Waxaa dareemayaa shirkan wadatashiga aan maanta loo kala maqneyn, sida ay tahay in qof walba mas’uuliyad Qaranimo uu muujiyo, wax kala jiidasho ma keento wanaag iyo xasilooni iyo degenaansho, wax anaga inoo wanaagsan aan u fikirno waa in jiilasha dambe wax ay ku naaloon lahaayeen”ayuu yiri Mr Camey.

Waxaa uu ugu baaqay Wasiirada kale ee Federaalka inay qaadaan wadada uu bilaabay Wasiir Saalax, isla markaana shuruucda dalka uu yeelanayo lagu saleeyo wadatashi iyo talo wadaag.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku howlan, sidii loo dar dar gelin lahaa dhameystirka sharciga Shaqaalaha Rayidka, iyadoo marka la soo gabagabeeyo wadatashiga iyo talooyinka lagu darayo sharcigan la horgeeyo Golaha Wasiirada iyo Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka.

 

furitaan shir Garowe 1 furitaan shir Garowe 2 furitaan shir Garowe 3 furitaan shir Garowe 4 furitaan shir Garowe 5 furitaan shir Garowe 6 furitaan shir Garowe 7 furitaan shir Garowe 8 furitaan shir Garowe 9 furitaan shir Garowe 10 furitaan shir Garowe 11 furitaan shir Garowe 12 furitaan shir Garowe 13 Furutaanka shir