Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqada  oo ka qeyb galay shir (save children) ku qabatay  Muqdisho.  

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Cabdulaahi Aadan Cabdi ayaa maanta usoo gabgabeeyey shir aqoon is weydaarsi laba maalmood uga soco nayay aqoonyahano  (Hotel Paradise) ee magaaladda Muqdisho.

Shirka oo aqoon isweydaarsi ahaa waxaa soo abaabulay hay’adda caalamiga ah ee badbaadinta carruurta [save children] ee fadhigeedu yahay caasimadda Soomaaliya.

Ugu horeyntii waxaa sharaxaad dheer ka bixiyay shirka mas’uul sare oo ka mid ah badbaadinta carruurta [save children] mudane Cabdiraxmaan Cabdi Wabar wuxuuna ka soo qeyb galayaasha u sheegay ujeedada aqoon is weydaarsigan in uu yahay sidii wax looga ogaan lahaa  sharuucda caruurta caalamka lagu dhaqo oo leh qeybo kala duwan sida (UNCRC iyo African charter ACWRC) in la darso kala duwanaashaha u dhaxeeyo labadan sharci iyo sidii loogu  dabaqilahaa doorka ay ku leeyihiin ururada Bulshada iyo  dowladda Soomaaliyeed.

Mas’uulitiinta ka qeyb qaadaneysay Shirkan aqoon is weydaarsiga ayaa ka kala socday hey’addo kala duwan oo kala ah ururada bulashada [Civil Society] iyo qaar ka mid ah wasaaraddaha quseysa arrimaha caruurta sida wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda waxbarashada ayaa  ku biiriyay talooyin iyo aragtiyo ku aadan shuruucda ay usoo bandhigtay Safe Children.

Ugu dambeyntii Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada mudane Cabdulaahi Aadan Cabdi oo si qiiro leh ula hadlay kasoo qeyb galayaasha  iyo mas’uuliyiinta safe children ayaa ka codsaday in ay iska kaashadaan sharuucda loo daginayo mustaqbal caruurta Soomaaliyeed.

 safe children team of CRC.4 safe children team of CRC.3 safe children team of CRC. 2

 safe children team of CRC