Agaasimaha guud wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed cadde Mukhtaar ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Arrimaha xuquuqda aadamaha gaar ahaan xuquuqda caruurta la shaqaalaysiinayo.
Waxana kulanka goobjoob ahaa Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo xubno uu hor kacayay Cabdishakuur Xabiib Hayir oo ka socday wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka .
Sidoo kale intii uu socday kulanka Agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo ku shaqeysiga caruurta soomaaliyeed iyo qaabka ay u wada yeelan karaan shaqeyn labada wasaaradood, iyadoo inta badan su’alaaha lasoo jeediyay u badnaayeen sidii loo heli lahaa sharciga xuquuqda caruurta iyo siyaasada looga hor tagi karo ku shaqeysiga Caruurta.
Agaasimaha guud wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Maxamed cadde Mukhtaar oo kulanka ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib hoosta ka xariiqay in wasaaradda shaqada uu hoggaamiyo door muhiim ah ay siinayso Xuquuqul Insaanka gaar ahaan xuquuda shaqo uu muwaadan soomaaliyeed uu leeyahay iyo difaaca iyo ka hortaga ku shaqeysiga Caruurta Soomaaliyeed.
Ugu danbayntii Agaasimaha guud ayaa tilmaamay howlaha sida loo kala qaadanayo waxuuna magacaabay masuuliyiin ka tisan wasaaradda Shaqada in ay kala shaqeeyaan wasaarada Haweenka iyo xuquuqda insaanka sidii loo fulin lahaa waajibaadka naga saaran xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.
—DHAMMAAD—