Agaasimaha guud wasaaradda Shaqada oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka  

Agaasimaha guud wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  mudane  Maxamed cadde Mukhtaar ayaa maanta kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka  isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Arrimaha xuquuqda aadamaha gaar ahaan xuquuqda caruurta la shaqaalaysiinayo.

Waxana kulanka goobjoob ahaa  Agaasimayaasha  waaxyaha  wasaaradda Shaqada iyo  arrimaha Bulshada iyo  xubno uu hor kacayay Cabdishakuur Xabiib Hayir oo ka socday wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka .

Sidoo kale intii uu socday kulanka Agaasimaha guud iyo  mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Haween iyo xuquuqul insaanka  waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee looga hortagi karo ku shaqeysiga caruurta soomaaliyeed iyo  qaabka ay u wada  yeelan karaan  shaqeyn labada wasaaradood, iyadoo inta badan su’alaaha lasoo jeediyay u badnaayeen sidii loo heli lahaa sharciga xuquuqda caruurta iyo siyaasada looga hor tagi karo ku shaqeysiga Caruurta.

Agaasimaha guud wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  mudane  Maxamed cadde Mukhtaar oo kulanka ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib hoosta ka xariiqay in wasaaradda shaqada uu hoggaamiyo door muhiim ah ay siinayso Xuquuqul Insaanka gaar ahaan  xuquuda shaqo uu muwaadan soomaaliyeed uu leeyahay iyo difaaca iyo ka hortaga ku shaqeysiga Caruurta Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii Agaasimaha guud ayaa tilmaamay howlaha sida loo kala qaadanayo waxuuna magacaabay masuuliyiin ka tisan wasaaradda Shaqada in ay kala shaqeeyaan  wasaarada  Haweenka iyo xuquuqda insaanka  sidii loo fulin lahaa waajibaadka naga saaran xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—

haweeka 0jpg  haweeka 2haweeka 1