Fasaxa Shaqaalaha Ciida Carafo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shaacisay fasaxa shaqaale-weynaha Soomaaliyeed Ciidda awgeed

Fasaxa Shaqaalaha Ciida Carafo:-

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Dowladda Sooomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Soomaaliya ay yihiin fasax maalimaha ciidda Carrafo.

Waxaa lagu yiri qoraalkan’ Wasaaradda SHaqada iyo Arrimaha Bulshada waxay ku wareglinaysaa dhamaan hey’adaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa ciidda Carrafo maalmaha Sabtida iyo Axadda hadii Allae uu idmo, kuna aadan 2-3 Bisha September 2017.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha Qod.30aad,Far,adna ay fasax yihiin maalinta Sabtida iyo Axadda.

Waxaaan rajeynayaa in dhamaan shaqaale weynaha Soomaaliyeed ay ku ciidaan farxad iyo reynreyn ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Waxaana ku saxiixnaa

Xil Saalax Axmed Jaamac
Wasiirka Wasaaradda

Fasaxa CIIDA Adhxa