Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad aad loogu sacab tumay waxaa uu ka jeediyay shirka 106aad ee ILO, waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed si loo xakameeyo tahriibka iyo u adeegisa dhalinyarada ee colaadaha.
Wasiir Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso ayna ka dhaceen doorashooyin si nabad ah ku dhacay. Waxuu ku booriyay Ururka Shaqaalaha Aduunka in ay gacan siiyaan Soomaaliya si ay uga gudubto waqtiga adag iyo shaqo la,aanta baahsan.
dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin faro badan oo daneynayey horumarinta Soomaaliya sida agaasimaha guud ee Ururka Shaqaalaha caalamiga Mr. guy Ryder waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan fulinta barnaajimka shaqada Hufan (decent work program) sidoo kale waxay isku raaceen in ILO-da ka furato xafiiska Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
wasiirka ayaa la kulmay wasiirada dhigiisa ee dowlada walaalaha nahay Djabouti mudane Hassan idiris iyo wasiirka shaqada Ethiopian waxayna ka wada hadleen arrimo oo ku saabsan dib u habaynta hay’adaha ‘ilaalinta bulshada’ siyaasadda shaqada ‘yaraynta saboolnimada sidey iskaga kaashan lahaayeen wadamada dariska ah.
ugu dambeyntii waxaa maanta lasoo gabagabeynayaa shirka shaqaalaha aduunka oo labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ka socday magaladda Geneva ee dalka Switzerland. wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada dowladda federaalka Somaaliya ayaa dowr weyn ku laheyd go’aanada ka soo baxay shirkaasi.