Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad aad loogu sacab tumay waxaa uu ka jeediyay shirka 106aad ee ILO.  

Wasiirka  Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbad aad loogu sacab tumay waxaa uu ka jeediyay shirka 106aad ee ILO,    waxyaabihii uu ka hadlay  waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada  Soomaaliyeed si loo xakameeyo tahriibka iyo u adeegisa dhalinyarada ee colaadaha.

 Wasiir Saalax ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso ayna ka dhaceen doorashooyin si nabad ah ku dhacay. Waxuu ku booriyay Ururka Shaqaalaha Aduunka in ay gacan siiyaan Soomaaliya si ay uga gudubto waqtiga adag iyo shaqo la,aanta baahsan.

 dhinaca kale  Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa kulan gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin faro badan oo daneynayey  horumarinta Soomaaliya  sida  agaasimaha guud ee Ururka Shaqaalaha caalamiga Mr. guy Ryder waxayna ka wada hadleen arrimo ku saabsan  fulinta barnaajimka shaqada Hufan (decent work program) sidoo kale waxay isku raaceen  in ILO-da ka furato xafiiska Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

 wasiirka ayaa la kulmay wasiirada dhigiisa ee dowlada walaalaha nahay Djabouti mudane Hassan idiris iyo wasiirka shaqada  Ethiopian waxayna ka wada hadleen arrimo oo ku saabsan dib u habaynta hay’adaha ‘ilaalinta bulshada’ siyaasadda shaqada ‘yaraynta saboolnimada  sidey iskaga kaashan lahaayeen wadamada dariska ah.

 ugu dambeyntii  waxaa maanta lasoo gabagabeynayaa shirka shaqaalaha aduunka oo labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ka socday magaladda Geneva ee dalka Switzerland. wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada  dowladda federaalka Somaaliya ayaa dowr weyn ku laheyd  go’aanada ka soo baxay shirkaasi.

pr molsa Jama 1 pr molsa Jama 2 pr molsa Jama 3 pr molsa Jama 4