WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA IYO SHIRKADDA SKA OO WADA SAXIIXDAY HESHIIS XIRFAD BARID SHAQO DOONKA OO IS-AFGARAD AH (MOU)
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo shirkadda SKA ayaa wada saxiixdeen heshiis la xariira tababar xirfad shaqo barid Dhalinyaradda Soomaaliyeed kaas oo u dhaxeeya labada dhinac iyo waliba isdhexgalka bulshada dhanka xirfadaha shaqo barida. Waxeyna maanta oo taariikhdu tahay August 15, 2016 ay labada dhinaca wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo shirkadda SKA group ayaa wada saxiixdeen heshiis is-afgarad (MOU) oo shaqo Abuur ah.
Heshiiskan oo ah mid is-afgarad (MOU) ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Shariif Cusman halka SKA Group uu u saxiixay Guddoomiyaha (president & CEO) Mr. Mike Douglas.
Heshiiskaas, ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Magaalada Muqdisho. Waxaana la sheegay in uu heshiiskaas Faa’iido badan u leeyahay xagga Tayaynta iyo Horumarinta dadka shaqo doonka ah ee ay mas’uulka ka tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS.
Shirkadda SKA Group ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiskan oo ah tababar xirfad shaqo barid Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxayna sheegeen in lagu dhiiri gelin doono in sare loo qaado shaqo u helidda dadka dhalinyarada ah “… shaqo u abuurka labada dhinac oo la xoojiyo wuxuu sidoo kale uu ka qeyb qaadan doonaa dhinaca tababarada , waxaana bilaabi doonaa tababar mudo hal bil socanayo oo aan ugu talo galnay dhalinyaradda…” ayuu yiri Madaxa SKA Group Mr. Mike Douglas.
Xoghayaha Joogtada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Xasan Shariif Cusman ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in sare loo qaado wada shaqeyta labada dhinac “waan idin soo dhaweyneynaa waxaan idinka rajeyneynaa in aan wada gaarno guusha uu xambaarsan yahay heshiiska shaqo u Abuurka oo ah mid is-afgarad (MOU)” ayuu yiri Xoghaye Shariif.
Waxaa goobjoog ka ahaa madasha Heshiiska lagu kala Saxiixday Agaasimayaal waaxeed oo kala ah Cumar Xuseen Caliyow iyo Cabdirashiid C/laahi Xaydar iyo Cadow Maxamed Aadan oo ah Lataliyaha dhanka ILO ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo mas’uuliyiin ka socotay shirkada SKA sida Mr. Clive V Trott oo ah madaxa howlaha Somaliya u qaabilsan SKA group iyo Garyaqaan Soomaaliyeed oo wax ka soo qoray heshiiska (MOW) mudane Cabdiwaaxid Cusman Xaaji.
Dhinaca kale; marka uu soo idlaaday saxiixa heshiiska ayaa waxaa loo soo gudbay dhanka xafiiska wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Xil .Cabdiwali Ibraahim sheekh Muudey si uu u hambalyeeyo heshiiska labbo geesoodka ah ee wasaaradiisu iyo shirkada SkA group wada galeen waxuuna yiri “ waan ku faraxsanahay in aad wada saxiixataan heshiiskan Afti- Isfahameedka ah ee (MOU). Waana soo dhaweynayaa cid waliba oo dadka iyo dalka soomaaliyeed wax u qabaneyso gaar ahaan shaqo siinta dhalinyarada Soomaaliyeed”. Sidoo kale wasiirka ayaa raaciyey hadalkiisa inuu jecelyahay in heshiika la wada saxiisday laga dhabeeyo oo ay dadka Soomaaliyyeed arkaan miro dhal-kiisa waxuuna yiri “ hadal yar iyo Howl badan ayaan idinkugu dardaarmayaa labadiina dhinac”.
Shirkadda SKA ayaa Caan ka ah Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Airpor-ka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo ay gacanta ku heyn jirtay Muddo 6sano ah.