WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA IYO SHIRKADDA SKA OO WADA SAXIIXDAY HESHIIS XIRFAD BARID SHAQO DOONKA OO IS-AFGARAD AH (MOU)

WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA IYO SHIRKADDA SKA OO WADA SAXIIXDAY HESHIIS  XIRFAD BARID SHAQO DOONKA OO IS-AFGARAD AH (MOU)

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo shirkadda SKA ayaa wada saxiixdeen heshiis la xariira tababar xirfad shaqo barid Dhalinyaradda Soomaaliyeed  kaas oo u dhaxeeya labada dhinac iyo waliba isdhexgalka bulshada dhanka xirfadaha shaqo barida. Waxeyna maanta oo taariikhdu tahay August 15, 2016 ay labada dhinaca wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo shirkadda SKA group  ayaa wada saxiixdeen heshiis  is-afgarad  (MOU) oo shaqo Abuur ah.

Heshiiskan oo ah mid is-afgarad (MOU) ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane Xasan Shariif Cusman  halka SKA Group uu u saxiixay Guddoomiyaha (president & CEO)  Mr. Mike Douglas.

Heshiiskaas, ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Magaalada Muqdisho. Waxaana la sheegay in uu heshiiskaas Faa’iido badan u leeyahay xagga Tayaynta iyo Horumarinta dadka shaqo doonka ah ee ay   mas’uulka ka tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  JFS.

Shirkadda SKA Group ayaa faahfaahin ka bixisay heshiiskan oo ah tababar xirfad shaqo barid Dhalinyaradda Soomaaliyeed waxayna  sheegeen in lagu dhiiri gelin doono  in sare loo qaado shaqo u helidda dadka dhalinyarada ah “… shaqo u abuurka labada dhinac oo la xoojiyo wuxuu sidoo kale uu ka qeyb qaadan doonaa dhinaca tababarada , waxaana bilaabi doonaa tababar mudo hal bil socanayo oo aan ugu talo galnay dhalinyaradda…” ayuu yiri Madaxa SKA Group Mr. Mike Douglas.

Xoghayaha Joogtada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  Mudane Xasan Shariif Cusman ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ay tahay in sare loo qaado wada shaqeyta  labada dhinac  “waan idin soo dhaweyneynaa waxaan idinka rajeyneynaa in aan wada gaarno guusha uu xambaarsan yahay heshiiska  shaqo u Abuurka  oo ah mid  is-afgarad  (MOU)” ayuu yiri Xoghaye Shariif.

Waxaa goobjoog ka ahaa madasha Heshiiska lagu kala Saxiixday Agaasimayaal waaxeed oo kala ah Cumar Xuseen Caliyow  iyo Cabdirashiid  C/laahi Xaydar iyo Cadow Maxamed Aadan oo ah  Lataliyaha dhanka ILO ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo   mas’uuliyiin ka socotay shirkada SKA sida Mr. Clive V Trott  oo ah madaxa howlaha Somaliya u qaabilsan SKA group iyo Garyaqaan Soomaaliyeed oo wax ka soo qoray heshiiska (MOW) mudane Cabdiwaaxid Cusman Xaaji.

Dhinaca kale; marka uu soo idlaaday saxiixa heshiiska ayaa waxaa loo soo gudbay  dhanka xafiiska wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Xil .Cabdiwali Ibraahim sheekh Muudey si uu u hambalyeeyo heshiiska labbo geesoodka ah ee wasaaradiisu iyo  shirkada SkA  group wada galeen waxuuna yiri “ waan ku faraxsanahay in aad wada saxiixataan heshiiskan  Afti- Isfahameedka ah ee (MOU). Waana soo dhaweynayaa cid waliba oo dadka iyo dalka soomaaliyeed wax u qabaneyso gaar ahaan shaqo siinta dhalinyarada Soomaaliyeed”. Sidoo kale wasiirka ayaa raaciyey hadalkiisa inuu jecelyahay in  heshiika la wada saxiisday laga dhabeeyo oo ay dadka Soomaaliyyeed arkaan miro dhal-kiisa waxuuna yiri “ hadal yar iyo Howl badan ayaan idinkugu dardaarmayaa labadiina dhinac”.

SKA iyo MOLSA 11 SKA iyo MOLSA 10 SKA iyo MOLSA 9 SKA iyo MOLSA 8 SKA iyo MOLSA 7 SKA iyo MOLSA 6 SKA iyo MOLSA 5 SKA iyo MOLSA 4 SKA iyo MOLSA 3 SKA iyo MOLSA 2 SKA iyo MOLSA 1

SKA iyo MOLSA

Shirkadda SKA ayaa Caan ka ah Magaalada Muqdisho Gaar ahaan Airpor-ka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo ay gacanta ku heyn jirtay Muddo 6sano ah.