Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shir guddoomiyey shirka Guddiga hagaya Mashruuca Hal-abuurka Dumarka iyo Barashada Tamarta sida loo cusbooneysiiyo oo shalay Muqdisho ka furmay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shir guddoomiyey Shirka Guddiga hagaya Mashruuca ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, Rugta Ganacsiga ee (SCC), Xiriirka Ururada Shaqaalaha ee (FESTU) iyo Shirkadaha ka qeyb qaadanaya hirgelinta mashruucan  iyo  qaar kale oo kaga qaybgaleen aalada fogaan araga ee Zoom-ka ayagoo isweydaarsaday fikrado waxtar leh.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa u mahad celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee Geeska Afrika ee (ILO). Mr. Alexio Musindo iyo ururka horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) oo mashruucan gacan ka gaystay. Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay wasaaradaha ka soo qaybgalay shirkan, waxuuna si gaar ah ku bogaadiyay dadaalka ay wadaan ku simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha oo mashruucan ku hawlanaa in muddo ah.

Ugu danbayntii wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada waxa uu kulan gaar ah la qaatay ILO. Mr. Alexio Musindo agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha aduunka ee Geeska Afrika ,Waxuuna kala hadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Shaqada ee MOLSA iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo iskaashi waara.