Wasiirka wasaarada shaqada ee X.F.S Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa shir gudomiyay kulan ey soo qaban qaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimadka Goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed cilmi ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ay soo qaban qaabiyeen waaxda Badqabka iyo Caafimadka Goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

Kulankan ayaa u jeedadiisa ahayd meel marinta siyaasada qaran Badqabka iyo caafimadka goobaha shaqada, Siyaasadan ayaa qayb wayn ka noqan doonto yaraynta qataraha iyo shilalka dhaca waqtiyada shaqada lagu jiro. waxaa ka soo qayb galay wasiirada Wasaaradaha shaqada iyo arrimaha Bulshada dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdey kulanka ayaa la isku waydaarsaday aragtiyo kala duwan sidii loo dhaqan galin lahaa siyaasada iyo hormarinta waaxda Badqabka iyo Caafimadka Goobaha shaqada ee wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada iyo heer maamul Gobaleed.

Kulanka waxaa goob joog ka aha wasiir ku-xigeenka wasaarada Mudane, Cismaan Libaax iyo Agaasimaha Guud wasaarada Mudane, Yusuf Hassan Isak.