Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , ayaa maanta furay kulan la xiriirra fulinta siyaasadda ilaalinta Bulshada.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta furay kulan la xiriirra fulinta siyaasadda ilaalinta Bulshada Kulanka oo labo cisho socon doona waxaa ka qeybgalay Dawlad-gobolleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo hay’adaha Dawladda kala shaqeynaya fulinta siyaasadda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Cabdullahi Maxamed Cali ayaa sheegay dadaallo badan in la galiyay fulinta siyaasaddan, wuxuu tilmaamay inay Dawladda ka go’antahay fulinta adeegyada bulsho.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la joogo xilliga ay Dawladda Soomaaliya awood u yeelan lahayd fulinta dhammaan mashaariicda taageerraya Bulshada.

“ Kulankan wuxuu inoo yahay mid taariikhi ah waxaan ka hadleynaa Dawladda dhexe iyo Dawlad-gobolleedyada sidii aan annagu awood ugu yeelan lahayn fulinta adeegyada iyo mashaariicda bulshadeenna ee ay Hay’adaha fulinayaan.” ayuu yiri.
“ Si halkaa aan u soconno u gaarno waa inan annagu noqonaya kuwa leh dhammaan awoodda loo baahanyahay waana sababta shirkan uu u qabsoomayo oo khubarada iyo idinku aad khibrad wadaagi doontaan.” ayuu ku daray Wasiir Cabdiwahaab.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda Soomaaliya mas’uul uga ah fulinta siyaasadaha arrimaha Bulshada , ayaa fulinaysa mashaariic lagu taageerrayo Bulshada nugul iyo kuwa uu saameeyay Ayaxa. Ilaa 1.3 milyan oo ruux ayaa bil walba Dawladda siisaa lacago caaddaan ah gaar ahaan kuwa nugul , iyagoo ka faa’iideysanaya barnaamijka Baxnaano iyo mashruuca deg degga ah ee ka jawaabaya saameynta Ayaxa.