Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Jabuuti, Maxamed Cali Xumad, muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa oo u ku soo dhaweeyay safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya , ahna ku-simaha safiirka, Jacfar Abukar Maxamed. Ka hor inta uusan saakay gaarin magaalada Qaahira ee Dalka Masar.