Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Doxa wada-hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Qatar

Doxa,September, 24, 2019 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar , kaddib marti qaad uu ka helay dhiggiisa Qatar.

Wasiirka Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar,Yousef bin Mohammed Al Othman Fakhroo ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta wasaaradda wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Sadiiq Warfaa,iyada oo wada-hadal ay labada dhinac yeesheen diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ee labada dhinac, iyo sidii loo horumarin lahaa loona xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada shaqada iyo arrimaha bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa dalka Qatar marti-qaadka iyo wada-hadallada ay maanta ku yeesheen xarunta Wasaaradda Horumarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dalka Qatar.

“Wada-hadallada aan maanta yeelanay waxay billow u yihiin kullamo soconaya labo maalin ,waana tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.” ayuu yiri wasiir Warfaa.

Wuxuu inta ku daray inta ay socdaan kullamada inuu sidoo kale uu kala hadlayo dhiggiisa dalka Qatar sidii xukuumadda Doxa ay u ballaarin laheyd kootada muwaadiniinta Soomaalida ah ee ka faa’iideysanaya shaqaaleysiinta muddada uu dalka Qatar ka socdo tartanka dalalka ee kubadda cagta (Koobka Adduunka) ee la qabanayo sannadka 2022ka.

Wasiirka Sadiiq Warfaa, ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Qatar ay kala hadlayaan dib u howlgalinta Machadka Horumatinya iyo Maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada dal galeen sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

“Waxa aan diiradda saareyno ayaa ah sidii shaqo abuur macno leh waxna tareysa bulshada Soomaaliyeed lagu heli lahaa.” ayuu ku daray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sidoo kale muddada uu ku suganyahay Qatar la kulmaya Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar,Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

—Dhammaad–