Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Dhagax-dhigay dib u dhiska dhismaha xarunta Wasaaradda

Muqdisho, September, 29, 2019 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhiska rasmiga ah ee xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Wasaaradda maalintii aan xilka la wareegayay, waxay aheyd goob uu dhiig ka daadannayo oo xata laygula taliyay inan goob kale xil-wareejinta ku qabsano, taas waan diidnay, waana dhabar adeygnay, hal maalina shaqada nagama istaagin, annaga ayaana ka -kabannay oo muraayaadaha iyo xafiisyada dayac tirannay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.

” Markii hore ka kabasho ayay aheyd, laakin maanta waxaan dhagax dhignay dib u dhiska rasmiga ah ee wasaaradda,iyada oo aysan deyn noqon doonin dhaqaalaha lagu dhisayo,laguna casriyeennayo.” ayuu ku daray.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa kalo uu sheegay wasaaraddan inay muhiim u tahay howlaha shaqo ee dowliga ah, isagoo marka tilmaamay inay wasaaraddan mas’uul ka tahay shaqaalaha Soomaaliyeed, taasina ay ku qasbeyso inay dadaal badan ku bixiyaan sidii xarunta ay ku shaqeynayso ay u noqon laheyd dhisme leh adeegyo casri ah.

Dib u dhiska xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo bur bur xooggan uu ka soo gaaray weerar ay kooxda Al-Shabaab ka geysteen bishii Maarso ee sannadkan ayaa waxaa iska kaashannaya waddamada Sweden iyo Talyaaniga, iyada oo qaab is xil-qaan ah ay dib u dhiska uga qeybqaadannayaan shaqaalaha wasaaradda.

==Dhammaad==