Wasiir Sadiiq Warfaa oo kullan xog-wareysi iyo is-barasho ah la qaatay wakiilka cusub ee WFP

Muqdisho, Augusto 01, 2019 – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta oo khamiis ah kullan is-barasho iyo xog-wareysi ah la qaatay wakiilka cusub ee Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobey oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan (WFP) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Cesar Arroyo.

Wasiir Sadik Warfa ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay hay’adda WFP dadaalka joogtada ah ee gargaarka bini’aadannimo, wuxuu marka ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan. Kullanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta barnaamijyada ay bah-wadagta ka yihiin wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hay’adda Cunnada Adduunka, iyada oo wasiir Sadiiq uu ku xoojiyay wakiilka WFP inay door muuqda ka qaatay dadaallada lagu raadinayo in lagu dhimo shaqo la’aanta iyo shaqa-gelinta dhallinyarada.

Ugu dambeyn, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa wuxuu guddoonsiiyay hadyad dhaqameed uu ku soo dhaweeyay wakiilka cusub ee WFP, Mudane Cesar Arroyo.