Wasiir ku-xigaanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo wafdi u hoggaaminayo oo la kulmay Wasiirka maaliyadda Malawi

Lilongwe , October, 24, 2022- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Cismaan Libaax Ibraahim iyo wafdi u hoggaaminayo
Oo ay qayb ka yihiin wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Lilongwe ee caasimadda waddanka Malawi.
Ujeeddada socdaalka ayaa la xiriirta xoojinta iskaashiga iyo khibrad wadaaga barnaamijyada taageerrada Bulshada , gaar ahaan kuwa nugul, iyadoo uu maanta wafdiga qaabbilay Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Malawi, Mudane Sosten Alfred Gwengwe.

Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS , Xil. Cismaan Libaax Ibraahim ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo Dawladda Malawi soo dhaweynta wafdigiisa, wuxuu sidoo kale sheegay inay Dawladda Soomaaliya horumarinayso barnaamijyada taageerrada Bulshada oo qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada, wuxuuna tilmaamay si natiijadaa loo gaaro muhiimada ay leedahay wadaaga khibrada la xiriira Ilaalinta Bulshada.

“ Dalka Malawi waa dal marxadan ahaan lana mid ah , xilligana horumarinaya mashaariicda Bulshada nugul iyo qoysaska taageerraya, si aan khibrad uga helno arrintaa ayaan halkan u nimid.” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka oo la hadlay telefishinka Dawladda ee Malawi.

Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Malawi, Mudane Sosten Alfred Gwengwe ayaa dhankiisa tilmaamay inay xoojin doonaan taageerrada khibrad wadaaga ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Axmed Maxamed Cali , Wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hirshabeelle ,Mudane Maxamed Sheekh Cali Salaad, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed , Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullaahi (Baasto) iyo Mudane Cabdiweli Xasan oo ah madaxa howlgalka barnaamijka qaran ee Ilaalinta Bulshada (Baxnaano).