Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Soo dhaweysay Golaha wasiirada Cusub ee Soomaliya.

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa lagu qabta dood cimiyeed lagu Taagerayay Wasiirada Cusub ee Somaliya.

 

wada hadalka ayaa diirada lagu saarayay qaab dhismeedka Golaha Wasiiradda Cusub ee xukuumada RW Cumar C/rashiid Cali oo uu ku dhawaaqay golahiisa Wasiirada in uu ka mid ahaado Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada.

 

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ee soo xaadirtay goobta wada haladka ee Wasaaradda ayaa u qadka telfoonka ugu Hambayeey wasiirka Cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada in uu Allaah ula garab galo Xil iyo Waajibaadka loo soo igmaday.

 

Dhanka Kale waxaa iyaguna si wada jir ah ugu hambayeeyay Shaqaalaha Wasaarada, waxayna si gaar ah tahniyad ugu direen Ra,iisul wasaare CCC,oo wasiirada Cusub ku dhawaaqay, inkastoo aan wali la dhaarin Wasiirada Cusub hadana waxay Inta Badan Shaqaalaha Soomaliyeed tagerayaan Xukuumada Cusub.

Caymooy 0

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Caymoy Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimha Bulshada.