WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA OO SHIR U QABATAY GUDDIGA HAGIDDA BARNAAMIJKA SHAQO U ABUURKA DHALINYARADDA SOOMAALIYEED

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  shirka ay  u qabatay guddiga hagidda barnaamijka shaqo u abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed wuxuu imaanaya xili golaha wasiirada  qaar  ka mid ah ay yihiin mas’uuliyiinta loo xil saaray (steering committee) uu guddoomiye u yahay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane  Cabdiwali Sheekh Muudey  ayaa ahaa  in la fahansiinta beesha caalamka iyo wadamada  deeqbixiyayaasha Soomaaliya  howlahii la soo qabtay  saxiixa barnaamijka shaqo abuurka  (New deal  ee PSG 4) ka dib iyo shirkii la soo qabtay wax yaabihii ka soo baxay in heshiis lagu yahay go’aana laga gaaray qaabka loo bilaabayo barnaamijka shaqo u abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Waxaa shirka  in tiisa badan looga hadlay heerarka uu soomaray, waxaana ka soo qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka socday Wasaaradaha oo kala ah  Kaluumeysiga, Beeraha,  Xanaanada Xoolaha iyo Howlaha Guud iyo Agaasimayaal wakiil ka ahaa wasaaradahooda,  kuwaasoo intooda badan kulamo la qaadanayay mas’uuliyiinta ka socotay wadamada taageera Soomaaliya iyo qeybaha kala gedisan ee Qaramada Midobay (UN).

 shaqo abuur steering 6

Ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Waaxda  Qorsheynta  Salaad Xuseen Cabdulle ayaa sharaxaad ka bixiyay qoraalo ay soo ban dhigtay Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  “ kulamadii aan galnay waxaa go’aan lagu gaaray in  dhalinyaradda shaqo abuurka loo sameynayo ay ka imaanayaa  7 gobal  maamuladooda  ay soo xusheen  mid hal  Degmo dhalinyaradda ku sugan iyo waxii shaqo loga dhigi lahaa ee ku haboon in shaqo abuur loogu sameeyo  dhalinyaradaasi” sidaana waxaa yiri; Kusimaha Agaasimaha Guud  Salaad Xuseen Cabdulle.

Ku simaha Agaasimaha Guud oo aad ugu dheeraaday ka hadalka shaqo abuurka ayaa sheegay “Hanaanka ugu wanaagasan ee dhalinyaradda shaqo lagu siin karo taas oo ay heysato shaqo la ‘aan baahsan, Kuwaas oo soo dhammeyay heerarka sare ee waxbarashada dalka”  Waxuu kaloo shirka uga  hadlay dhalinyaradda sida ay uga qeyb qaadan karaan horumarinta iyo nabada dalka .

  shaqo abuur steering 4

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar “Ceymooy” ayaa sheegay in Wasaaradda ay waddo qorshe lagu Hormarinayo wax soosaarka kalluunka kujira badda iyo Horumarinta tayada xirfadlayaasha ku shaqeysta wax soo saarka badda.

Wasiir Ceymooy ayaa yiri  “ shirkan shaqo abuurka hore ayuu u soo socday wax badan ayaa laga soo shaqeynayay kaas oo ku saabsanaa  shaqo siinta dhalinyaradda maanta waxa uu ahaa gunaanadka shirka ee Heer wasiiro ah oo lagu soo bandhigayay howlahii la soo qabtay waxaana la isku afgartay in laa iyo 4000  dhalinyaro lagu shaqaaleysiinayo si bilaaw ah”.

Wasiir ku-xigeenka Xanaada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa sheegay “Gudigan oo ah guddi sare waxaa ka hooseeya guddi kale oo wasaaradaha laga soo xulay oo farsamo yaqaan ah,si ay u wadaan ajendayaasha iyo qorshaha uu gudigani uu go’aamiyo inay fuliyaan oo qaab farsamo ahaan u diyaariyaan, maanta waxa uu soo gaaray xiligii fulinta mashaariicda shaqada loogu abuurayo dhalinyaradda Soomaaliyeed”.

 shaqo abuur steering 14

Gudoomiyaha Guddiga Hagidda Barnaamijka Shaqo u Abuurka Dhalinyaradda Soomaaliyeed ahna  Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdiwali Sheekh Muudey  oo isna hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa yiri  “ maanta oo tahay taariiqda 29/9/2015 waxaa iskugu nimid shirkii guddiga hagidda barnaamijka shaqo u abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed ee PSG 4, oo ay ka soo qeyb galeen  wasaaradaha ku shuqulka ku lahaa oo dhan, si fiican ayuu inoogu soo dhamaaday”

Waxaana sidoo kale mas’uuliyiintii ka socotay Beesha Caalamka iyo deeqbixiye yaasha, shirka  socaday ku soo  hadal qaadeen  in xiligan ayna  wanaagsaneyn in ay dalka ka tahriibaan  Dhalinyarada isla markaana ay dibadaha u cararaan ay ku wanaagsan tahay in ay wadan kooda joogaan,  ayagoo tilmaamay in shirka lagu gorfeeyay arrimaha shaqo u abuurka Dhalinyadda taasna ay sahli karto in ay dhalinyaro badan oo ku sugan Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho guud ahaan  shaqo abuur loo sameyn karo.

shaqo abuur steering 0 shaqo abuur steering 01 shaqo abuur steering 2 shaqo abuur steering 3  shaqo abuur steering 5  shaqo abuur steering 7 shaqo abuur steering 8 shaqo abuur steering 9 shaqo abuur steering 10 shaqo abuur steering 11 shaqo abuur steering 12 shaqo abuur steering 13  shaqo abuur steering 15