Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo maanta dib u shaqo bilowday

Kaddib Qaraxii lala beegsaday Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada muddo bil ah kahor, waxey shaqaalaha Wasaaradu ku kala maqnaayeen naxdin ay ka qaadeen dhibaatadii dhacday oo dhimasho iyo dhaawacba laheyd iyo in ayba burburtay xaruntii Wasaaradda.

Maanta ayaa Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Sidiiq Xirsi Warfaa uu isugu yeeray dhammaan shaqaalihii Wasaaradda isagoo ku qanciyay kuna dhiirra geliyay in dib loo bilaabo shaqadii Wasaaradda, waxuuna iclaamiyay shaqadii Wasaaradda iney dib u bilaabatay.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa waxuu Shaqaalaha u soo jeediyay iney dib u dhiska Wasaaradda jeebkooda ku bilaabaan aynan dad kale wax ka sugin, shaqaalihii oo arrintaa soo dhaweeyay kaddibna waxuu Wasiirka magacaabay Guddi lagu magacaabo Guddiga Dib u dhiska Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada kaa soo uu hogaaminaayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cadde Mukhtar, Guddigan ayaa tillaabada koowaad waxuu lacagaha lagu bilaabaayo dayactirka Wasaaradda ka uruurin doonaa Shaqaalaha Wasaaradda oo ka bixin doono mushaharkooda.