Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo la saxiixatay heshiis la xiriira Farsamada gacanta Wasaaradda Waxbarashada

Muqdisho, April, 25, 2021 – Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta is-afgarad rasmi ah la saxiixatay Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya, kaaso la xiriira Farsamada gacanta,xirfadaha iyo tababarrada (TVET).

Heshiiska ayaa dhigaya doorka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ,iyadoo munaasabadda saxiixa ay ka qeybgaleen Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Duraan Axmed Faarax,  Wasiirka Waxbarashada ,Hiddaha iyo Tacliinta sare Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji , Wasiirka Qorsheynta, Amb. Jamal  Maxamed Xasan oo si wadajir ah u saxiixay is-afgaradka labada wasaaradood.

Munaasabadda waxaa kalo ka qeybgalay Agaasime Waaxeedyada labada wasaaradood ee Farsamada Gacanta, Agaasimayaasha guud ee labada Wasaaradood iyo saraakiil kale.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa dadaal galisay horumarinta Farsamada iyo xirfadaha gacanta, taaso door weyn ka qaadanaya xal u helida qorshaha qaran ee lagu dhimayo shaqo la’aanta ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed.

 

–Dhammaad—