War-saxaafadeed: Qodobbadii ka soo baxay Shir waynaha Qaran ee Shaqo Abuurka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa Saaxiibbada Caawiya ayaa abaabushay Shirka shaqa abuurka Qaranka oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 16-17 ka February 2022 kaa oo ay ka soo qeyb galeen Wakiillo ka kala socday Dawladda Federalka ah, Dawladaha Xubaha ka ah Dawladda Federaalka, Hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, Shaqa bixiya yaasha dalka, Xiriirka Shaqaalaha, Ururrada Bulshada, Xarrumaha Tababarada iyo Jaamacadaha,si looga arrinsado Arrimaha la xiriira Shaqa Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed. Shirka ayaa diiradda saaray Caqabadaha Suuqa Shaqada iyo Xogaha la xiriira, Helitaanka Fursado Maalgelineed si loo dhiirri geliyo Hal Abuurayaasha Ganacsiga, Tayada iyo helitaanka Waxbarasho iyo Xirfado shaqo iyo sida ugu habboon ee loo gaari karo Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo la joogteyn karo.

Shirka oo Socday muddo laba Maalin ah ayaa ka qeyb galayaashu si mug leh u gorfeeyeen dhammaan cinwaannada Muhiimka ah ee xal u raadinta Caqabadaha Dhaqan-Dhaqaale ee ay sababtay Shaqa la’aanta dalka ka jirta.

Dood dheer ka dib ka soo qeybgalayaasha Shirka ayaa isku raacay;

 

Warsaxaafadeed