Shirka Todobaadlaha ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha waaxeedada ayaa todobaadkaan diiradda lagu saaray horumarinta qorshaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda

Shirka Todobaadlaha ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa todobaadkaan diiradda lagu saaray horumarinta qorshaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada C/laahi Maxamed Cali, ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Shirka Todobaadlaha ee Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa todobaadkaan diiradda lagu saaray horumarinta qorshaha hortabinta u ah Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda.

Ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ka warbixiyey halka ay mareyso Wasaaradda iyo kulamada joogtada ah ee uu la qaatay Hay’adaha wada shaqaynta la leh Wasaaradda.

Dhinaca kale Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Mashaariicda Mudane Salaad Xuseen Cabdulle ayaa isna warbixin looga dhageystay halka uu marayo qorshaha iyo dhameystirka qorshaha hortabinta u ah Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Agaasimaha Salaad ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay qorshahan oo uu dib u eegis ku sameeyay waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha jira isagoo ku qiyaasay in 75% ay ku socdaan qorshaha u degsan Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadda.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha waaxeedyada ayaa si talan taali ah ugu wada hadlay Shirka Todobaadlaha oo ay waax waliba ku soo bandhigtay halka uu u marayo qorshaha ay hiigsanayaan.