Ra’iisul wasaaraha Qatar oo xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya

Doxa,September, 24, 2019 – Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Ra’iisul wasaare Abdullah bin Nasser iyo Wasiir Sadiiq Warfaa ayaa kullan gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay uga wada-hadleen xiriirka iyo xoojinta iskaashiga labada dal, iyada oo Ra’iisul wasaaraha Qatar uu boggaadiyay dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib u dhiska dalka iyo horumarinta bulshada.

Kullanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii ay dowladda Qatar u ballaarin laheyd kootada Soomaaliya ee shaqaalaha ay dibadda ka keensato dowladda Qatar, si fursado loogu helo muwaadiniinta Soomaaliyeed, dib u howlgalinta Machadka Horumatinya iyo Maareynta Soomaaliya ee SIDAM, dib u anba qaadidda heshiis ay labada dal galeen sanadkii 1983-dii oo la xiriiray iskaashi shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani ayaa dhankiisa sheegay inay dowladda Qatar ka go’antay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Sadiiq Warfaa ayaa muddada uu ku suganyahay dalka Qatar wuxuu kullamo la qaadanaya madaxda sare ee dowladda Qatar.