MUNAASABADDA MAALINTA SHAQAALAHA 1DA MAY 2014

Maanta Waxa aan u dabbaal dageynaa Maalintii Shaqaalaha ee 1da May

Waxa aan hambalyeyneynaa oo aan sharfeynaa Ragga iyo Dumarka, Wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay dib u soo celiyaan Soomaalidii aan wada rabno iyaga oo mustaqbal lahubo oo xor ah u sameynaya caruurteenna.

Shaqo adag ma aha wax nagu cusub. Beeraleydeennu waxa ay shaqeeyaan qorraxda oo kulul marka ay beerayaan dalagyada kala duwan. Xoolaleydeennu waxa ay dhaqaan duunyadeenna. Kalluumeysatadeennu maalmo ayay badda kujiraan iyaga oo kalluun soo qabanaya. Ganacsataduna waxa ay naga haqab-tiraan baahideenna badeeco iyo adeeg Maalin kasta. Hooyooyinka Soomaaliyeed wax-soorradaas ayay u badalaan cunto aan quudanno oo nasiisa tamarta (energy) aan ku shaqeynno maalin maalinta kale.

Shaqo kasta oo wax kubiirineysa mustaqbalkeenna waa mid qiime leh. Ninka geedaha qora ee sameeya kursiga aan ku fariisanno, macallinka ku fariista kursigaas oo wax bara caruurteena, aabaha dukaanka gada si ay ubadkiisu iskuul u aadaan dhammaantood waxa ay hayaan shaqo qiimo leh. Qiimahaas waxa uu ka imaanayaa hufnaanta shaqadaas loo qabto iyo waxtarka ay uleedahay dhisidda Soomaaliya oo sidan ka sii wanaagsan.

wasiirka iyo Madaxweynaha 1da May

Sida aan ugu maahmaano: “Shaqadu waa sharaf – ayaan maanta bogaadinayaa dhammaan shaqaalaha iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

Iyada oo sidaas tahay, ayaan waxa aan maanta si gaar ah u aqoonsanayaa seddax ka mid ah shaqaale-weynaha Soomaliyeed:

• Kuwa ku mashquulsan dhisidda dowlad Soomaaliyeed waana Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda.

• Kuwa ay shaqadoodu tahay in ay naga xureeyaan khatarta deganaasha-la’aanta waana askarteenna.

• Iyo ugu dambeyn, kuwa dalkooda dib ugu soo noqonaya dalkooda hooyo, sanado badan oo ay maqnaayeen kadib. Waa dad diyaar u ah in shaqeeyaan oo ay dhisaan Soomaaliya macne leh.

Shaqaalaha Rayidka ah

Soomaaliya waxaa soo maray noocyo badan oo maamul-dowladeed: kuwo jilcan, kuwo qallafsan iyo kuwo awoodda ku talax-tagay oo illaabay dadkii ay u shaqeynayeen.

Markii aan Madaxweyne noqday 18 bilood ka hor, waxa aan go’aansaday in maamul-dowladeedkeygu uu noqdo mid ka duwan kuwaas oo dhan. Ma doonayo dowlad albaabada soo xirata iyada gaareysa go’aamo laga niqaashin lana ogeysiinin dadka ay khuseyso

Waxa aan rabaa in aan dhiirri-galiyo dowlad bannaanka taal oo loo soo doorto s ixor ah oo howl-wadeennadeed lagu waxa ay yaqaannaan iyo kartidooda ; go’aannada ay noqdaan kuwo laga dodo iyada oo lagu darayo dhammaan talooyinka.

may 1

Ilaa iyo intii aan noqday madaxweyne, 3,500 shaqaale Rayid ah ayaa la diiwaan-geliyey si ay uga shaqeeyaan hey’adaha dowladda. Shaqaalahaas waa matoorka dhaqaajinaaya Soomaaliya. Waa rag iyo dumar adeegsanaya fikradahooda iyo xirfaddooda si ay dib ugu soo celiyaan Dowlad Soomaaliyeed oo hufan, daacad ah islamarkaana waxtar ah.

Waxaa naga go’an in aan dhisno shaqaale rayid ah oo shaqadooda ka adag. Waxaa naga go’an diyaarinta iyo qalabeynta goobihii ay ku shaqeyn lahaayeen. Nnaga oo la kaashaneyna Dowladda Norway waxa aan abuurnay Sanduuq gaar ah (Special Financing Facility – SFF) oo mushaaraadka siiya shaqaalaha rayidka ah. Iyada oo lala kaashanaayo hey’adaha caalamiga ee wax maalgaliya waxa aan abuureynaa habkii aan ku ilaalin laheyn shaqaalaheenna daacadda ah annaga oo cirib-tireynna kuwa daneyte-yaalka ah ee jeebkooda oo kaliye ka fikira.

Markii aan abuurno jawi ay shaqaalaheennu ay si wanaagsan waajibkooda ugu gudan karaan, ayaan si wanaagsan u xaqiijin karnaa siyaasadaheenna iyo barnaamijyadeenna taabanaya Soomaali kasta . Taas aawadeed,ayaan u go’aansaday dhisidda dowlad aysan waxba u qarsooneyn ‘a government in the sun’.

Ciidanka Xoogga (Military)

Dabcan shaqaalaheenna rayidka ah waxa ay u baahan yihiin bey’ad nabdoon oo ay ku shaqeyn karaan. Ciidankeenna iyo kuwa AMISOM ee walaalaheenna ah si madaalnimo ah ayay u shaqeeyaan si ay dalka nabad uga dhigaan. Dal nabad ah oo dadku six or ah danahooda u qabsadaan, dalka oo ah meel hammiga lagu dhiirrigaliyo oo dhallinyadu u hanqal-taageynin dalal fog oo ay ka shaqeystaan.

Todobaadkii nadhaafay, waxa aan tagey Xero cusub lagu tababaro Ciidanka Xoogga (a new military training facility) taas oo ay ay nagala shaqeysay dhisiddeeda dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka ( United Arab Emirates). Xeradaas waxa ay qaaddaa ilaa 1200 askari markiiba. Askartaas waxaa ka mid ah gabdho. Xeradu waxa ay leedahay guryo la seexdo, fasallo wax lagu barto, dukaamo wax laga gato, isbitaal iyo masjid; waxaa intaas dheer garoon lagu ciyaaro iyo mid lagu toog barto.

Waxa aan amaanayaa Dowladda imaaraatka habka ay u mareen in ay shaqaaleeyaan dad soomaaliyeed oo iyagu noqday shaqaalihii mashruucaas fuliyey. Waxa ay abuureen shaqooyin aad ugu baahnaayeed dadka deegaanka. Waxaan u baahannahay mashruucyo badan oo kaas la mid ah oo shaqo xalaal ah siiya dhallinyaradeenna halkii ay gacanta u geli lahaayeen cadowga nabadda iyo xasilloonida.

Raga iyo dumarka ka midka ah Ciidankeenna Xoogga waxa ay mudan yihiin amaan iyo taageeris ta ugu sarreysa. Kuweenna aan hubka sidin ee sida tooska uu xiloodu u ahayn xasilinta dalka, waxaa laga rabaa in ay haddana nabadda ka qeyb-qaataan.

Dadkeenna kunool aagagga dhawaan laga xoreeyay cadowga, waxa aan xasuusinayaa in khilaafka meel la iska-dhigo oo wad-jir loo shaqeeyo sidii lagu xajisan lahaa nabaddaas sida adag lagu keenay.

Dadkeenna kunool meelaha ay ciidamadeennu ku sii fool leeyihiin ogaada in gacan-siintiinnu muhiim tahay. Hub ma heysataan laakiin waxa aad leedihiin cod iyo ficil aad ku diidaan sharta iyo argagixisada foolxumeneysa diinteenna iyo dalkeena.

Waxaa faan noo ah guulaha ay geesiyaasheennu xaqiijiyeen todobaadyadii la soo dhaafay iyaga oo cadowga ka xureeyay magaalooyin iyo deegaanno badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Sida aan cadowga uga saarnay caasimadda oo ay nafta ugu soo noqotay ayaan cadowga uga saareynaa dhammaan Soomaaliya iyaga oo sidii eeyihii u cararaya oonan heleynin meel ay gabbaad ka dhigtaan.

Soomaalida Dibadda Ka soo noqoneysa

Gabagabdii, waxa aan rabaa in aanaqoonsado dadkeenna dibadaha ka soo laabanaya. Waxa aan wad ognahay in dhammaantiin aad sugeyseen maalinta aad dalkiinnii hooyo ku soo noqon laheydeen. Si aa u aragtaan halka ay waalidiin kunoolaan jireen ulana kulataan ehelkiina aadan sando badan isgacan-qaadin.

Intaad maqneydeen isbeddel baa nagu dhacay. Indhihiinna ayaad ku arkeysaan isbeddelkaas. Waxa aad arki doontaan qaran barbaaraya. Niyaddeenna iyo rajadeenna waa halkeedii oo isbeddel kuma dhicin. Waana taas midda aan ku dul-dhiseynno yididiilooyinkeenna oo kuleysan ballan iyo howl adag.

Waad la socotaan in aan u yeernay safiirkeenna Kenya si uu xog dhab nooga siiyo xaaladda dadkeenna qaxootiga ah ee kunool Kenya. You

Waxa aan qirayaa oo aan aqoonsanayaa deeqsinnimada dadka reer Kenya iyaga aqbalay dadkeenna in ay la noolaadaan in ka badan 20 sano. Tagerada Kenya waxa ay wax u tartay dadkii Soomaaliyeed ee naftoodu khatarta kujirtay. Taasna waxa ay daliil u tahay saaxiibtinnimada labadeenna dad.

Waxa aan Dowladda Kenya ka fileynaa in ay sii waddon Saaxiibtinnimaddaas. Waan qadarineynaa baahida aad u qabtaan Nabadgalyo taas oo la mid ah teenna. Sidaa daraadeed waxa aan idinka dalbaneynaa in aad bar-tilmaameedsataan dambiilayaasha, MAYA jaaliyaddeenna. Cadaawad ha ka kasbanina dadka Soomaaliyeed ee u heysta in Kenya ay la mid tahay dhulkooda. Dadkaas waa kuwo kobciyey dhaqaalihiinna.

Waxaa naga dhaxeeyo ujeedadeenna ah in aan ka cirib-tirno Afrika cadowga argagixisada. Laakiin taas waa in aan gaarnaa annaga oo u mareyna hab sii xoojinaya Saaxiibtinnimadeenna islamarkaana waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo ajendaha xuquuqul-insaanka.

Maanta waa maalintii Shaqaalaha. Waxa aan mahad ballaaran ujeedinayaa shaqaalaha Soomaaliyeed. In aan shaqo heysanno waxa ay nasiineysaa sababta aan subaxdii u soo tooseynno waxa ayna naga dhigeysaa dad qab leh oo xooggan islmarkaana leh hadaf ay u noolyihiin.

Cadowgeena waxa uj rabaa in aan ahaanno kuwo caajis badan oo jecel in ay noloshu ahaato wax sahlan. Laakiin ogaada wax qiime leh oo sahlan ama raqiis ah majiraan. Ujeeddo kasta oo weyn waxa ay u baahan tahay shaqo weyn.

Maanta waxa igu ballan ah oo iga go’an shaqo adag. Waxa aan rajeynayaa in aad ila qaadataan oo aan wada-shaqeynno si aan u gaarno waxa noo wada wanaagsan.