Maalinta kahor taga shaqaaleysiinta Caruurta

Maanta oo kale 12-ka June ayaa sanad walba caalamka laga xusaa si looga hortago xadgudubyada caruurta. Wasaaraddaa shaqada iyo arrimaha bulshadu waxay ku baraarujineysaa shacab weynaha Soomaliyeed ahmiyadda ay leedahay maalintan.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha dowliga ee ka shaqeeya ka hortagga iyo ilaalinta xuquuqda carruurta waxaa ka go’an soo nooleynta iyo horumarinta dhammaan shuruucdii iyo xeerarkii u degsanaa dowladda Soomaaliya ee xaddidi lahaa, laguna ilaalin lahaa. . ka hortagga xadgudubka carruurta soomaaliyeed
Haddaba, wasaaraddu waxay ugu faa’iidaysanaysaa xuska maalintan weyn, waxaana la gudboon bulshada Soomaaliyeed (loo shaqeeyaha) inay ka digtoonaadaan shaqaaleysiinta carruurta da’doodu ka yar tahay da’da loogu talagalay inay shaqo helaan.
Wasaaraddu waxey ku kuwacyigelinaysaa ururada shaqaalaha, ganacsatada, beeralayda, kalluumaysatada, wax-dhisayaasha iyo dallaaliinta in aanay shaqaaleysiin carruurta da’doodu ka yar tahay da’da qaangaarka.
Waalidiinta Soomaaliyeed waxey kaloo masuul ka yihiin daryeelka ubadkooda Alle SWT. Waxaa jira dhibaatooyin ka dhasha marka waalidiintu ay caruurtooda siinwayaan tarbiyad, hoy, cunto, korin iyo waxbarasho. Ilmahana waa in aan loo dirin goobaha shaqada. Ubadkeennu waxay mudan yihiin in la barbaariyo, la ilaaliyo, lala ciyaaro, uuna sameyno mustaqbal iyo rajo wanaagsanna oo ifaya, waa jiilkii birito iyo dhaxlayaasha dalka Soomaaliyeed.