Golaha Wasiirrada oo ansixiyay siyaasaddaha Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda

Muqdisho,11 Feberaayo, 2021 – Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya ee Khamiista maanta ayaa lagu ansixiyay siyaasaddaha Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda oo ay horgeysay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa faahfaahin ka siiyay Golaha Wasiirrada siyaasaddaha, wuxuuna ka jawaabay su’aallaha ay xubnaha Wasiirrada ka qabeen,iyadoo inta ka dib si aqlabiyad leh uu Golaha u ansixiyay siyaasaddahan.

Wasiir Duraan, ayaa u mahadnaqay kuna boggaadiyay Golaha Wasiirrada ansixinta siyaasaddaha Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Yoolka guud ee siyaasaddaha Qaran ee Howl-gabka iyo Liil-tirka Shaqaalaha Rayidka waa in la helo, la xaqiijiyo lana siiyo shaqaalaha rayidka Dawladda daryeel hawlgab iyo liiltir sugan oo ku habboon shaqaala rayidka kaasoo ah mid la joogteyn karo.

 

##