Fasaxa ciiddul Adhxaa ee Carrafa 2019

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin fasax maalmaha ciidda Carrafo.

Waxaa lagu yiri qoraalka  sida hoos ku qoran:-

Guji links-kan   Fasaxa Ciida Adhxa

Ku: Dhammaan Hey’adaha Dowladda.

Ku:  Guddiga  Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda

Ku: Dhammaan  Wasaaradaha  Shaqada ee Maamul Goboleedyada Dalka JFS.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Og: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha JFS

Og:  Xafiiska Aqalka Sare JFS

Og: Xafiiska Golaha Shacabka JFS

Og:Xafiiska Madaxweynaha JFS

Ujeeddo: fasaxa ciiddul Adhxaa ee Carrafa 2019

Ciid Mubaarak

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo  hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax  tahay  maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood  oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019,  Fasaxana  waa  Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta…

Sida ku cad sharciga shaqaalaha  Qod.30aad, Farqadiisa  2aad na ay fasax yihiin Maalmaha  Sabtida,  Axadda iyo  Isniinta.

Waxaa u rajeynaynaa dhammaan shaqaalaha weynaha soomaaliyeed in ay ku ciidaan farxad iyo nabad, waxaanna lenahay “CIID WANAAGSAN KU CIIDA”

 

Waxaana ku saxiixnaa

 

Maxamed Cadde Mukhtaar

Agaasimaha Guud ee

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada