Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo kormeeray tira-koobka Shaqaalaha Rayidka

Muqdisho,February, 11, 2023 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, ahna guddoomiyaha guddiga korjoogtaynta iyo kormeerka habsami usocodka tirakoobka Shaqaalaha Rayidka Dawladda , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa kormeeray hay’adaha Dawladda ee tirakoobka uu ka socdo.

Agaasimaha Guud oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddiga korjoogtaynta ayaa kormeerkooda Sabtida maanta ku booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka socotay tirakoobka Shaqaalaha Wasaaradda.
“ Waxaan boggaadinaya shaqada guddiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha, ujeeddadu waa in la xaqiijiyo isla-xisaabtan , daahfurnaan iyo hufnaanta Shaqada.” ayuu yiri Agaasimaha Guud , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.
Tirakoobkan oo soo billowday 1 bishan Feberaayo,2023 aya noqonaya midkii saddexaad ee madax ka tirinta Shaqaalaha Rayidka Dawladda, kaas oo lagu samaynayo dhammaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xaqiijiyay tirakoobka Shaqaalaha inuu qeyb ka yahay dadaallada ay Dawladda ku dooneyso in la horumariyo adeegyada ay qaranka iyo Bulshada u hayaan Shaqaalaha Rayidka Dawladda.