Xuska Maalinta Naafada Aduunka oo ku beegan 3dec 2015 ayaa lagu qabtay Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu xusay maalinta Naafada Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed, Xafladaasi oo ay maal gelisey UNDP. waxaa ka qayb galay munaasabadda Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwali Sheikh Muudey, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Eng. Saalax Sheikh Cusmaan , Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Mudane Axmed Kediye ,gudoomiyaha caymiska (first takkaful) Maxamed Cabdi Maxamed , k/s Agaasimaha guud ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Safiya Abuukar Karani, Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Cali Cabdullahi Salaad,iyo abwaanka caanka ah Maxamud Cabdullahi Ciise Sangub ,iyo marti sharafeed kala duwan.
Dhamaan Masuuliyiinta ka hadashay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay xuska maalintaan lana ilaaliyo xuquuqda Naafada iyo daryeelkooda sidoo kale in ay tahay mid waajib ah loona baahan yahay in la wada ilaaliyo wax u qabadka Naafada si wadajir ah .
Agaasimaha Waaxda Naafadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Shariif Aadan Maxamed ayaa ka hadlay marxalidihii kala duwanaa ee ay soo martay maalinta naafada aduunka islamarkaana la aas-aasay sanadihii todobaatimeyadii “munaasabada naadafada aduunka ka wasaarad ahaan Xuskan maalinta Naafada sanooyin badan ayan qabanay munaasabadani, taas oo lagu weyneynayo maalinta Naafada Aduunka, Naafada kala duwan ee Soomaaliya 14% ayaa lagu qiyaasay, bishii May ee sanadkii 1977-dii ayay wasaaraddu ku guuleysatay in xaruntii ugu horeysay isgoyska Cali Kamiin Wasaaraddu ka furtay oo ay lahaayeen naafada” ayuu agaasimuhu yiri.
Gudoomiyaga Golaha Naafada Soomaaliyeed Cali C/laahi Salaad ayaa ugu horayn ka jeediyey goobta muhiimada ay munaasabadan u leedahay, wuxuu ka hadalay sidoo kale caqabadaha haysta dadka naafada ee Soomaaliya iyo dhibaatada dhanka nolasha oo uu sheegay in la tiicayaan nolal maalmeedka.
Cali C/laahi Salaad wuxuu dowladda federaalka iyo hay’adaha daneeya wax u qabadka dadka naafada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan taakuleynta dadka naafada oo uu sheegay in wakhti xaadirkan u baahan yihiin gar gaar lagana tayeeyo dhinacyo badan oo ka mid ah nolosha, waxbarashada iyaga iyo carruurtooda.
Guddoomiyaha Naafada Cali Cabdulaahi Salaad ayaa si xushmad leh uga codsaday in la dhoowro lana ilaaliyo xuquuqda Naafada loona sameeyo sharcigii ay ku heli la haayeen xuquuqdooda si cadaalad ah
Guddoomiyaha Golaha Naafada oo codsigiisa sii wata ayaa sheegay in la shaqaaleeyo naafadda Soomaaliyeed intooda wax taqaan, wuxuuna Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ka codsaday in wasaaradaha oo idil laga shaqaaleeyo dad naafada ah . sida waxaa yiri gudoomiyaha Golaha naafada Cali Cabdullahi Salaad.
Sidoo kale waxaa ka hadlay marti sharaf kala duwan oo uu kamid ahaa gudoomiyaha caymiska ee (first takkaful) mudane Maxamed Cabdi Maxamed wuxuuna yiri “Waxaan ku farax sanahay Wasiirkeena oo si aad ah ula shaqeyey Naafada Soomaliyeed ,Waxaan idin sheegayaa caymiska in uu aad muhiim ugu yahay cid walba” “hadii aad bishii bixiso taban dollar waxaad fursad u heleysaa wax badan oo aad kuu anfacaya sida daawada IWM”.
Ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ahna Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyada Safiya Abuukar Karaani ee Wasaaradda Shaqada ayaa sheegtay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ay qorsheyneyso in degmooyinka gobolka banaadir laga furo xarumo daryeel iyo waxbarasho oo loogu talagalay dadka naafada ah, ayadoo xustay in ay dhankooda ku dadaali doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka naafada ah.
Ku simaha Agaasimaha guud ayaa tiri “dadka Baahiyaha gaarka leh in ay la yimaadaan Midnimo, sinnaan iyo Hufnaan waxa ay ka doonayaa Dawladda Soomaaliyeed marka ay codsanayaan” sidaana waxaa tiri Marwo Safiya Abuurka.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta Eng Saalax Sheikh Cusmaan ayaa sheegay in dowladdu ka danqaneyso dhibaatada ay ku noolyihiin guud ahaan naafada Soomaaliyeed, “Wasaaradda Howlaha Guud waxaa u qorsheysan sidii wax loogu qaban lahaa dadka naafada ah, maadama uu dalka Soomaaliya uu ku jiro dib udhis, waxaan ka dalbanay dhammaan shirkadaha dhismaha in ay u dhisaan meelo ay ka isticmaali karaan dadka Naafada ah guryaha la dhisaayo, sidoo kale waxaan idin balan qaadeynaa in aad heli doontaan xaquuqda aad ku leedihiin dhismaha dalka” sidaana waxaa yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Eng saalax.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil.Cabdiweli Sheikh Muudey oo soo gaba gabeyay xafladda Maalinta Naafada Aduunka ee 3 Dec.2015 ayaa u hambalyeyay dadka naafada aduunka gaar ahaan Naafada Soomaliyeed.
“wasiirada iyo abwaanada aad ayey ugu mahad sanyihiin ereyada ay meeshan kasoo jeediyeen, waxaan rabaa labo arrimood in aan soo jeediyo oo kala ah qasnad ay nafaadda qaranka leedahay oo dalka iyo dibadiisa laga sameeyo, kaas uu madax weynaha Jamhuuriyadda uu ku bilaabidoono dhaqaalaha”. “waxaan donayaa in aan siyaasadda naafada qaranka goor dhow la geeyo golaha shacabka {Barlamaanka } taas oo u sahli doonta dhammaan Naafada in ay helaan xaquuqda ay leeyihiin”.
Wasiir Muudey ayaa kula dardaarmey in ay dadaal badan muujiyaan dadka baahida gaarka leh ,waxaan ka rabaa golaha naafada xaquuqaha ay ku leeyihiin aduunka ay ka muuqdaan .wasiirka ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in uu Wasaaraddaha warqad u qori doono oo ay ku shaqaaleynayaan Naafadda Soomaaliyeed .
Dhamaan Masuuliyiinta ka hadlay munaasabada ayaa ku cabiray dareenkooda wax u qabadka naafada Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee wax loogu qaban karo, masuuliyiinta dowladda ayaa balan qaad u sameysay in dowladdu ka war qabayso naafada Soomaaliyeed.