MOLSA oo kaashaneysa IOM ayaa tababar ku saabsan Ka-hortagga Tahriibinka, La-dagaallanka Ka-ganacsiga dadka iyo Xuquuqda Aadanaha u qabatay shaqaalaha wasaaradda shaqada XFS.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashaneysa Hay’adda socdaalka aduunka ee (IOM) ayaa siminaar u qabatay 25 shaqaale oo ka tirsan wasaarada shaqada ,kaas oo lagu baranaayey Ka-hortagga Tahriibinka, La-dagaallanka Ka-ganacsiga dadka iyo Xuquuqda Aadanaha

Tababarka waxaa loogu talagalay in lagu wacyigeliyo khatarta iman karta  tahriibinta dadka , sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed ay ugu nagaan la haayeen dalkooda,  shaqo abuurna loogu sameyn lahaa dadka dalka dib ugu soo laabanaya dib u dajina loogu sameyn lahaa.

sido kale shaqaalaha loo qabtay tababarkaan ayaa sheegay in ay wax badan ka faaiideen ayna dhaqan galin doonan wax yaabahii ay ka barteen (workshop-ka ) bulshadana ugu adeegi doonan

Cabdirashid Cabdullahi Xeydar agaasimaha Waaxda Xiriirka Guud ee wasaaradda shaqada oo goobjoog ka ahaa siminaarkan ayaa sheegay ” waxaan aad ugu mahad celinaa hay.ada IOM oo noo fududeysay in ay tababarkaan u qabtaan shaqaalaha wasaaradda casharada lagu qaadanaayey aad ayey ugu faaiideysteen tababarada oo kale ay sii wadaan “

Gabagabadii tababarkaan ayaa waxaa soo xiray Agaasimaha Waaxda Tababaradda ee wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Ismaaciil Macalin Cabdullahi waxuuna yiri “ waxaan ku faraxsanahay in ku dhawaad 30 shaqaale oo ka socda Waaxyaha kala duwan ee wasaaradda shaqada ugu soo idlaado si habsami leh ,tababarada noocaan oo kale ah waxaa loo aadi jiray dalka dibadiisa dadaal dheerad ah ka dib waxaa lugu qabtay dalka barashada casharadaan waxay idiin tahay muhiim in aqoonta aad kororsateen aad ugu shaqaysaan bulshada ,waxaan rajaynaaya in uu sii socdo tababarada nuucaan oo kala ah waxaan u mahad celinaa hay’adihii gacan ka gaystay tababarkaan”

Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa waxay wadaa dadaalo lugu dardar galinaayo tababarada sare loogu qaadaayo aqoonta shaqaalaha dawladda Soomaaliyeed.

IOM and MOLSA Somail 3   IOM and MOLSA Somail 5IOM and MOLSA Somail 7   IOM and MOLSA Somail 2 IOM and MOLSA Somail 6IOM and MOLSA Somail 1

IOM and MOLSA Somail 4IOM and MOLSA Somail 8