Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan Faarax oo goob joog si rasmi ah ka aheyd xarunta lagu tira koobayay shaqaalaha Xisaabiyaha guud.

Guddiga tiro koobka iyo tayaynta shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa gaarey xarunta dhexe Xisaabiyaha guud si ay halkaasi uga soo sameeyaan tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee ka hawl gala Xisaabiyaha guud, tirakoobka Shaqalaha Xisaabiyaha guud ayaa noqonaya Hay’adii 46aad oo lagu sameeya Tirakoob.

Dhankiisa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar oo isna qayb ka ahaa kormeerka ayaa sharaxaad Kooban ka siiyay Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan Faarax sida tira koob loogu samaynayo shaqaalaha rayidka ee u shaqeeya Dowaldda Soomaaliya.

Muddadii uu ka socdey tiro koobka xaruuntaas waxaa lagu diiwaan geliyey dhammaan shaqaalihiii soo xaadiray ee dawladda hore ugu diiwaan gashanaa (B iyo T) kuwas oo shaqooyin rasmi ah oo cayiman u haya dawladda, si loo kala saaro shaqaalaha dawladda iyo shaqaalaha loo yaqaano (J. ama KMG).

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa mar walba u taagan taabo gelinta tirakoobkan. Xisaabiyaha guud ee Qaranka Marwo Faaduma Cusmaan waxey ku qanacday Guddiga tiro koobka iyo sida loo tira koobay shaqaalaha ay mas’uulka ka tahay.

Xisaabiyaha Guud 1 Xisaabiyaha Guud 3 Xisaabiyaha Guud 4 Xisaabiyaha Guud 5 Xisaabiyaha Guud 6 Xisaabiyaha Guud 7 Xisaabiyaha Guud 8 Xisaabiyaha Guud 9 Xisaabiyaha Guud 10