Xaflad Xil-wareejin iyo soo dhoweyn loo sameeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada

Xafladdan uu soo agaasimay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac uuna kusoo dhoweynayay Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Shaqada  Xildhibaan  Swaqar Ibraahim Cabdalla ayaa waxey u dhacday sidii loogu talagalay.

 

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Xil. Swaqar Ibraahim Cabdalla oo maanta xilkiisii shaqada ku wareegaayay ayaa waxuu soo dhoweyn diirran uu ku farxay kala kulmay Madaxda Wasaaradda uu ugu horreeyay Wasiirka Shaqada, Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud, qaar ka mid ah la taliyayaasha iyo dhammaan Agaasimayaasha Waaxyada. waxaana marti Sharaf ahaa xafladda uga soo qeyb galay  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdullaahi Colaad Rooble oo bogaadiyay qaabka loo soo dhaweeyay Wasiir Ku xigeenka Cusub .

 

Wasiir Saalax oo gudanaaya waajibkiisii ku aaddanaa soo dhoweyntii uu u sameynaayay Wasiir Swaqar ayuu kaga war bixiyay shaqooyinka aasaaska u ah shaqada Wasaaradda uuna xoogga saaray tan iyo markuu xilka qabtay taas oo aheyd  Afar qeybood oo waaweyn sida;

  • Taabbagelinta Shuruucda Wasaaradda, Shaqo Abuurka, Shaqo Siinta, iyo Siyaasadda Ilaalinta Bulshada,

waxuu intaasi kaddibna ku amray Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha Waaxyada iney faahfaahin buuxda ka siiyaan Wasiir ku xigeenka dhammaan shaqooyinka Wasaaradda ka socda sida ugu dhaqsiyaha badan si uu ula jaanqaado Shaqooyinka ugu soo horreeya ee Wasaaradda.

 

 

Wasiir ku xigeen Shawaqar oo ka muuqaal bixinaaya soo dhoweyntii quruxda badneyd uu kala kulmay dhammaan Madaxda Wasaaradda uu horkacayay Wasiir Saalax ayaa waxuu u mahadceliyay Wasiir Saalax iyo Dhammaan goob-joogayaashii kulanka, asagoo bixinaaya farriintii ku aaddaneyd shaqadiisa waxaa ka mid hadaladiisii: “Is-aamminaadda iyo xog-wadaagga waa furaha lagu horumarin karo ka wada shaqeynta Wasaaradda, haddii lagaa qarsado xogta wax aad qaban karto ma jirto, sidaa darteed waxaan rajeynaayaa inaan si wanaagsan xogta u wadaagi doonno si ay u fududaato wada shaqeynteenna”.

 

Ugu dambeyn waxaa soo  gabagabeeyay xafladda soo xiray Wasiir Saalax waxuuna yiri asagoo la hadlaaya Wasiir Swaqar: “Soo dhawoow mudane Wasiir, waxaan rajeynaayaa inaan isla wada shaqeyn doonno, oo lagugu taageeri doono talooyinkaaga cusub ee shaqada ku aaddan, diyaar baana u ahay xog walba inaan kula wadaagno, waxaana sidoo kale kaa filaayaa culeys badan inaad ila  qeybsan doonto oo dhanka shaqada ee naloo soo ekmaday”.