Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfuray tababbar lagu tayeynaayey hawl-wadeennada Shaqaalaha Wasaaradda

Tababbarkan loo qabtay shaqaalaha iyo hawl-wadeennada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa lagu baranaayey casharro ay ka mid ahaayeen Hab-dhaqanka Suubban, Maareynta Waqtiga iyo Maamulka Shaqada iyadoo ujeeddka tababarkaan uu ahaa sare u qaadidda xirfadda iyo qibradda shaqaalaha, si loo helo shaqaaale tababbaran, si hufanna ugu shaqeeya bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac  oo daahfuray tababbarkaan ayaa sheegay muhiimadda uu u leeyahay tababarkaan Shaqaalaha, hadalladiisiina waxaa kamid ahaa “waajibaadka saaran Shaqaalaha waxaa ugu horreeya iney soo xaadiraan ayna gutaan shaqadii loo igmaday, soo nooleynta dowladnimada waxaa dawr weyn ku leh in la helaa shaqaale u carbisan Shaqada si ay u gutaan waajibkooda, masumaasuquna kaliya ma ahan in wax la xado ee in howshii laguu igmaday aadan u gudan si sax ah ayaa sidoo kale qeyb ka ah”

Agaasimaha Waaxda Tababbarada Wasaaradda Ismaaciil Macallin Cabdullaahi ayaa shaqaalaha ku boorriyey in ay casharrada tababbarkan lagu bixinaayo muhiim u yihiin ayna ka faa’ideystaan.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Salaad Xuseen Cabdulle oo ahaa soo jeediyaha bixinaayey casharradan ayaa Shaqaalaha u sheegay tababbarkaan in uu ka saacidi doono  sare u qaadida waxqabadkooda si ay u dardargeliyaan shaqadooda, muhiimna ay u tahay shaqaale kasta in uu barto Anshaxa suuban iyo shaqa wanaagga.

Ugu dambeynna tababbarkan ayaa qeybtiisi koowaad u soo idlaatay sidi la filaayay, iyadoo la filaayo midka kalee xiga in la qaban doono 24-ka bishan Oktobar 2018.