Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daah furay shirka siyaasadda ilaalinta bulshada ee lagu casuumay hey’addaha caalamiga NGOs  u adeega Soomaaliya 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daah furay shirka siyaasadda ilaalinta bulshada ee lagu casuumay hey’addaha caalamiga NGOs  u adeega Soomaaliya

Shir balaaran oo wadatashi ah ay iskugu yimaadeyn hey’addaha caalamiga ah NGOs ee ka howl gala dalka Soomaaliya si ay ugu  talo darsadaan baahida loo qabo qorista  siyaasadda ilaalinta bulshada Soomaaliyeed  ayaa maanta lagu qabtay  magaalada  Muqdisho.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo shir gudoominayay kulanka ayaa ku daah furay ujeedada iyo ahmiyadda la iskugu yimid inay tahay u adeegida bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ku wooda nugul. Waxuuna aad ugu dheeraday ka hadalka kaalinta weyn  ee  heyaddaha  samafalka  ka soo qaateen samata bixinta bulshada Soomaaliyeed. Waxuuna si gaar ah u amaanay qurba joogta Soomaaliyeed iyo xawaaladaha doorka ay ka soo qaateyn soo gaar siinta lacagaha lagu bad baadinayay bulshada qeyba heyda kala duwan.

 

Wasiir Saalax oo aad ula dardaarmay dhammaan ka soo qeyb galayaasha ayaa ku yiri “ lama soo koobi karo doorka aad ku leedihiin ilaalinta bulshada, tusaalle  ahaan sida isticmaalka Tignoolajiyada  oo aad taleefoonada ugu direysaan lacagaha malaayiin ka mid ah dadka nugul. Muhiimada aan iskugu nimid ayaa ah sidii loo heli lahaa siyaasad midaysan oo lagu ilaalinayo bulshada Soomaaliyeed ( National social protection policy for Somalia ).

 

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay hadalada ka soo yeeray heyaddaha oo aheyd in ay raali ka yahiin hormarinta iyo hanaanka lagu  qorayo siyaasada ilaalinta bulshada .waxuuna hambalyo iyo bogaadin u diray Dowlada Talyaaniga iyo hey’adda Talyaanigah ee gacta ka geesatay hirgalinta barnaamijkan loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

 

Kulankan wada tashiga ayaa si wadajir ah ugu howlan wasaaraddaha kala ah shaqadda iyo arrimaha bulshada, Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasaarada Gargaarka , waxaana ka soo qeyb kalay heyaddaha caalamiga sida : UNICEF , WFP, ILO ,UNHCR, WHO, Care , Save children, FOA ,NRC ,GEEL, Islamic Relife, iyo  Zamzam foundation iyo kuwo kale.

 

Kulankani waxaa fududayneysay una qeybinaysay dood cilmiyeedka iyo Su’aalaha  qabiirad ka socotay heyadda caalamiga ah ee ( SAMUEL HALL ) Marwo Kourtnie Schaefer  iyo Latalisada arrimaha bulshada ee wasaarada shaqadda arrimaha bulshada Marwo Fardows Axmed c/llaahi.

 

Sidoo kale  mid ka mid ah masuuliyeenta hey’addaha ayaa sheegay in uu shirkaan muhiim u yahay dhammaan heyaddaha samafalka  ee Soomaaliya in ay ka qeyb qataan doorka ay ku leeyahiin ilaalinta bulshada “( Contribute to social protection system )”.

Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Swaqar Ibraahim cabdalla waxuuna hadal kooban u soo jeediyay ka soo qeyb galayaasha oo uu kala hadlay muhiimada ay leedahay ilaalinta bulshada gaar ahaan caawinaada dadka nugul iyo u adeegida iyo hormarinta bulshada Soomaaliyeed. Waxuuna ku adkeeyay  in ay kaalin ka qaataan qorista siyaasada ilaalinta bulshada Soomaaliyeed .