Wasiirka shaqada oo Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Bulshada u furay qaar ka mid ah masuuliyiinta hey’adaha Dowladda

Siminaarkaan oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo Wasaarada Qorsheynta Dowladda Federaalka isla markaana ahaa mid lagu baranayay sida loo ilaalin karo bulshada ayaa loo qabtay ilaa 40 qof oo ka mid ah hay’addaha dowladda sida:- Wasaaradda Caafimaadka , Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Cadaalada, Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha , Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, Maamul Gobolka Banaadir iyo Dawlad Goboleedyada Dalka ayaa loogu qabtay gudaha HOTEL JAZEERA ee Magaaladda Mugdisho.

 

Ugu horeyna waxaa furitaanka siminaarka ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtaar waxuuna sharaxaad ka bixiyay ujeedka siminaarka isagoo sidoo kalana xusay in uu qeyb ka yahay siminaaro dhowr ah oo loo qabanayo Guddiga Hagaya qorista Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Bulshada.

 

“Waxaan ku faraxsanahay kasoo qeyb galkiina aad nagala soo qeyb gasheen kulankan ku saabsan qorista Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Bulshada iyo u diyaar garoowga barnaamijyadaan, waana kuwo aan ugu tala galnay inaan uga faa’ideeyno bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada.

 

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saalax Ahmed Jaamac oo si rasmi ah u furay madasha siminaarka waxuu ka sheekeeyay baaxada uu leeyahay ka shaqeynta ilaalinta Bulshada iyo waxyaabaha ka dhalan kara hadii lagu guuleysto geedi socodka mashruucan ilaallinta Bulshada (social protection )
“siminaarkaan waa mid aan uga gol leenahay in hay’adaha dowladda ee u adeega bulshada ay ku bartaan sidii ay u ilaalin lahaayeen Bulshada Soomaaliyeed” waxuu intaa raaciyay oraah dhaheysa .

 

“Howshan ma ahan mid u taal hal wasaarad kaliya ee waa arrin looga fadhiyo dawladda Soomaaliyeed guud ahaan ” ayuu yiri Xildhibaan Saalax Ahmed Jaamac Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka oo aad ugu faraxsan furitaanka iyo kasoo qeybgalayaasha kala duwan waxuu u mahad celiyay hey’adaha gacanta ka geesanaya taaba gelinta mashruuca ilaalinta Bulshada oo kala ah WFP iyo Unicef masuuliyiintooda ka soo qeyb gashay madasha.

 

Dhinaca kale, Simaanaarkaan oo ahaa mid hal maalin ah ayaa intii uu socday kasoo qeyb galayaashii halkaasi looga soo jeediyay casharo la xariira sida loo ilaalin karo bulshada oo ay soo jeedinayeen quburo Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah oo ka socay Hey’adahooda sida:-

Fardosa Cabdulaahi Axmed La talisada Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada ayaa fududeynaysay doorka guddiga farsamada ee ilaalinta Bulshada,
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dahir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay Guud marka geedi socodka iyo wadatashiga Siyaasadda Ilaalinta Bulshada,
Madaxa adeega Bulshada ee WFP Ruby khan ayaa Guud martay barnaamijka wadajirka ah ee ilaalinta Bulshada
Danialle Trotter oo ka socotay Unicef waxay ku dheeraatay sharxida horudhaca Ilaalinta Bulshada (introduction of social protection ). Waxeyna quburo kasoo qeyb galayaashii ka qanciyeen su’aalihii ay ka qabeyn mowduucyada Ilaalinta Bulshada.

 

Ugu dambeytii Waxaa Siminaarka soo gabagabeeyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dahir Maxamed Nuur waxuuna guddiga ugu baaqay in ay u dhabar adeegaan howshan loo soo idmaday ee ah ka mid noqoshada Guddiga Hagaya qorista Siyaasadda Qaranka ee Ilaalinta Bulshada.

 

“Bulshadu markey hesho illaalo waxey awoodaa ineey wax walba qabsadaan”